Maleeshiyaad kala raacsan Puntland iyo Galmudug oo ku dagaalamay MUDUG

dagaal beeleed

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Dagaalka oo u dhexeeyey maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xoogiisu waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Teerage oo dhaca Galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in muddo ah la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan laba qof ku geeriyooday dagaalkaasu, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalka labada dhinac, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada Puntland iyo Galmudug.

Xaaladda ayaa saaka ah mid yare degan, waxaana bilowday dadaallo looga hortagayo xiisadaasi.

Maleeshiyaadka labada dhinac ka soo kala jeeda ee ku sugan gobolka Mudug ayaa inta badan ku dagaalama gobolkaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro rayidka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here