Mar haddii Puntland Goboladdii SSC ka quusatay waxaa u banaan muranka taariikhda Daraawiishta iyo xuskeeda

taleex1

Halgankii Daraawiishtu waa taariikh Somaliland, waxaana muujinaysa cidii hogaaminaysey oo ah Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ku dhashay Degmadda Buuhoodle, xaruntii Daraawiishta oo ahayd degmada Taleex, cida lala dagaalamayey oo ay ugu weynayd Boqortooyaddii Ingiriiska ee Somaliland gumeysan jirtay, taas oo aakhirkii u adeegsatay duqayn diyaaradeed oo markaas aduunka ku cusbaa.

Laakiin marka la eego waqtigii halganku ku soo beegmay, baaxada uu lahaa iyo mudadii dheerayd ee uu soconayey, wuxuu noqonayaa halgamadii iyo taariikhdii ugu horeysay ee qaarada Afrika ay kala hortagtay gumeystaha, sidaas darteed halgankii Daraawiishtu waa Taariikh Africa, Soomaaliduna ay sheegan karto, qiimeyn iyo xus kasta oo loo sameeyaana waa guul taariikhda Somaliland u soo hoyatey.

Waxaa si gaar ah Mahadnaq u mudan Maamulka Puntland oo markii degaamadii SSC ee uu ku murmi jiray lagala wada wareegay, hadda bilaabay inuu ku murmo Xuska iyo taariikhdii Daraawiishta, waana arin in Somaliland soo dhoweyso mudan, mar haddii maanta muranka Puntland aanu dhul iyo degaano ku saabsanayd ee ay taagan yihiin xuskii Taariikhdii Daraawiishta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here