Maraykanka oo Cusmaaniyiintii Turkiga ku eedeeyey xasuuq Armenianka

joe biden dhaarin

Joe Biden ayaa noqonaya madaxweynihii u horreeyay ee Mareykan ah ee soo saara bayaan si rasmi ah ugu sifeynaya dil-wadareedkii Armenianka ee 1915 ‘xasuuq’.

Dilalku waxay dhaceen maalmihii uu sii dhacayey dayaxii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, oo horudhac u ahaa casriga maanta uu ku sugan yahay Turkiga.

Laakiin arrintu waa mid aad u xasaasi ah, iyadoo Turkigu qirayo xadgudubyada laakiin uu diiday ereyga “xasuuq”.

Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Sabtidii sheegay in Turkigu “gabi ahaanba diidayo” go’aanka Mareykanka.

“Cashar kama qaadan doonno cidna wax ku saabsan taariikhdeena,” ayuu ku soo qoray Twitter-ka.

Markii dambe wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga waxay sheegtay inay u yeedhay safiirka Mareykanka si ay ugu gudbiso “falcelinta adag” ee Ankara ay ka leedahay arrinkaas. Maamulladii hore ee Mareykanka uma adeegsan erayga xasuuq bayaan rasmi ah iyadoo la ilaalinayo walaaca dhanka Turkiga, oo dhaawacaya xiriirka laba dal oo ah xulafo adag oo dhanka NATO ah.

Maxaa dhacay sannadkii 1915?

Turkidii Cusmaaniyiintu waxay ku eedeeyeen Armeeniyaanka Kiristaanka ah khiyaano, kadib markii ay jab xooggan kala kulmeen ciidamadii Ruushka waxayna bilaabeen inay masaafuriyaan dhankaa iyo Siiriya iyo meelo kale. Boqolaal kun oo reer Armenia ah ayaa la laayey ama u dhintay gaajo ama cudur. Gabood-falladadaas waxaa si ballaaran u diiwaangeliyey waqtigaas goobjoogayaal ay ka mid yihiin saxafiyiin, ergo iyo diblomaasiyiin.

Tirada dadka reer Armenia ee dhintay ayaa had iyo jeer lagu muransan yahay. Armenia waxay dhahaan qiyaastii 1.5 milyan oo qof ayaa dhimatay. Turkiga ayaa ku qiyaasaya wadarta guud inay ku dhowdahay 300,000. Sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Aqoonyahannada Xasuuqa (IAGS), tirada dhimashadu waxay ahayd “in ka badan milyan”.

In kasta oo saraakiisha Turkigu ay aqbaleen in xasuuqaasi dhacay, haddana waxay ku doodayaan in aanu jirin isku day nidaamsan oo lagu baabi’inayo dadka Kiristanka ah ee Armenia. Turkiga ayaa sheegay in dad badan oo Muslimiin Turki ah ay sidoo kale ku dhinteen qalalaasaha Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Muxuu sheegay Biden?

Hadalka Mr Biden oo ku aaddanaa xus la sameynayey kolkii dil-wadareedkaasi bilaabmay ayaa lagu yidhi: “Waxaan xusuusannahay noloshii dhammaan dadkii ku dhintay xasuuqii Armeeniyiinta xilligii Cusmaaniyiinta, waxaanan mar kale nafteenna ku boorrin doonnaa inaan ka hor tagno xasuuqaas oo kale inuusan mar dambe dhicin.””Waxa aannu u xusuusan nahay si aan mar walba uga feejignaano saameynta halista ah ee nacaybka noocyadiisa kala duwan.”

Mr Biden ayaa sheegay in ujeedku ahaa “in aan dambiga cid la saarin laakiin la hubiyo in wixii dhacay aan dib loo soo celin”.

Wuxuu horey u soo dhoweeyay tallaabada Golaha Wakiillada Mareykanka, oo sanadkii 2019 si aqlabiyad leh ugu codeeyay in loo aqoonsado xasuuqa wadareed arrintaas.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Biden ayaa u sheegay wariyeyaasha in go’aanka adeegsiga eraygan si rasmi ah uu yahay mid dhankooda ah maadaama maamulku diiradda u saarayo xuquuqda aadanaha.

Sanadkii 1981, Madaxweynihii xilligaas Ronald Reagan ayaa ku tilmaamay “xasuuqii Armenia” markii lagu dhawaaqay baaqa xasuuqii dadka Yuhuudda ah, laakiin madaxweynayaashii kale way ka fogaadeen adeegsiga eraygaas ilaa waqtigaas.Maamulka Mr Biden ee isaga kahoreeyay ee Donald Trump ayaa sheegay in aysan u arkin dilalka xasuuq. Mr Trump wuxuu taa badalkeeda ugu yeeray “mid ka mid ah xasuuqii ugu xumaa ee qarnigii 20aad”.

Maxa falcelin ka dhalatay?

Ra’iisal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan wuxuu sheegay in ereyada Mr Biden ay “sharfeen xusuustooda” ku aaddan dadkaas dhintay, isagoo raaciyay qoraal uu soo dhigay Twitter: “Mareykanku wuxuu mar kale muujiyay dadaalkiisa aan kala go’a lahayn ee ah ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo qiyamka guud.”

Laakiin wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay, waxayna ku sheegtay bayaan ay soo saartay inay “ku diidayaan kuna cambaareynayaan ereyada ugu adag hadalka”, iyagoo leh “waxaa lagu sameeyay cadaadiska kooxaha mayalka adag ee Armenia iyo kooxaha ka soo horjeeda Turkiga”.

Xiriirka sii xumaanaya ee labada dal ayaa laga yaabaa inuu noqdo natiijada ugu muhiimsan ee ka soo baxda hadalka Mr Biden, kaasoo inta badan calaamad u ah isla markaana aan lahayn cunaqabateyn dheeri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here