Maraykanka oo duqeyn diyaaradeed ku diley sarkaalkii abaabulay weerarkii Manda Bay

AlShabaab drone

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa Africom ayaa shaaciyay in ay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kana dambeeyay weerarkii saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Sidoo kale duqeyntan oo loo adeegsaday diyaarada F15 ayaa lagu diley xaaska sarkaalka oo aan labadaba la sheegin magacyadooda.

Duqeyntan oo lala wadaagay dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacday Sabtidii degmada Saakow oo 320km dhinaca Galbeed ka xigta Muqdisho.

“Labada argagaxiso waxaa loo aqoonsaday inay yihiin hogaamiyaal sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo qorsheeyey isla markaana hagayay howlaha ay argagaxisadu ka fuliso xadka Kenya iyo weerarkii lagu qaaday Manda Bay, Xaaska sarkaalka la qaarijiyay waxa ay ahayd xubin firfircoon oo ka mid ah Alshabaab.” ayaa lagu yiri qoraal goor dhow ka soo baxay Africom.

Taliyaha Africom General Stephen Townsend ayaa sheegay in duqeynta ay ahayd tallaabo lagu baabi’inayay kuwii ka dambeeyay weerarkii 5tii Janaayo.

Weerarkan ayaa waxaa lagu diley sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo labo ruux oo muwaadiniin Maraykan ah kuwaasoo qandaraaslayaal ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here