Maraykanka oo ku dhawaaqay boqolaal milyan oo dollar inuu siinayo Soomaaliya

friendship between somalia and usa

Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), ayaa shaacisay in dowladda Mareykanka bixinayso ku dhawaad $ 257 milyan oo gargaar bani’aadanimo ah, si loogu caawiyo Soomaaliya.

Mareykanka waa deeq bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya. Shaacinta taageeradaan dhaqaale waxay ka dhigaysaa in sanadkaan Maraykanku siiyay Soomaaliya ku dhowaad $ 498 milyan oo dollar.

Gargaarkaan ayaa loogo talo galay in wax looga qabto, gaajada, nafaqo-xumada ba’an, biyo la’aanta, daryeel caafimaad oo deg-deg ah, waxbarashada, in la badbaadiyo dadka ay saameeyeen iska horimaadka socda iyo abaaraha soo noqnoqda iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool waddamada deriska ah.

Dowladda Mareykanka waxay welwel ka qabtaa dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo la’aanta dhaqaale ku filan oo bani’aadanimo oo wax looga qabto. “Gargaar ballaaran ayaa loo baahan yahay si looga hortago xaaladaha ka sii daraya ee Soomaaliya.”

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in loo baahan yahay $ 500 milyan oo dheeraad ah oo loogu talagalay maalgalinta bina-aadamnimada gudaha Soomaaliya illaa Disembar 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here