Maraykanka oo ku dhawaaqay in uu ciidamo geynayo Sucuudiga

pentagon2

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu qorshaynayo in uu ciidamo u diro Sacuudi Carabiya kaddib weerarradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee dalkaas.

Xoghayaha Difaaca Mark Esper ayaa saxafiyiinta u sheegay in ciidamada halkaas lagu daad guraynayo ay yihiin “kuwo wax iska caabbin ah”. Ilaa iyo haddana lama sheegin tirada ciidamada ee halkaas la gaynayo.

Xuutiyiinta ay taageerto xukuumadda Iran ayaa sheegtay masuuliyadda weerarradii toddobaadkii hore lagu qaaday laba warshadood oo kuwa shidaalka ah.

Hase ahaatee Maraykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay masuuliyadda weerarkaas ku eedeeyeen xukuumadda Iran.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu Iran ku soo rogi doono cunaqabatayn “heerkeedu sarreeyo” asagoo sheegay in uu ka dheeraanayo tallaabo militari.

Mr Trump ayaa sheegay in cunaqabatayntan cusub diiradda lagu saarayo bangiga dhexe ee Iran iyo hantidiisa madaxa bannaan.

Maxay tidhi Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku?

Mr Esper ayaa go’aankan ku dhawaaqay Jimcihii asagoo garab taagnaa madaxa saraakiisha ciiidamada Gen Joseph Dunford Jr.

Mr Esper ayaa sheegay in kaalmadaan ay dal badeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan ayaa diiradda saaraya sidii ay u xoojin lahaayeen difaaca hawada ee dhanka gantaalaha, Maraykanku wuxuu “dardar gelin doonaa in uu geeyo qalab militari” labadaas dal.

Maraykanku wali kama aanu hadal nooca ay yihiin ciidamada uu halkaas u dirayo.

Sida laga soo xigtay the New York Times, markii warfidiyeennadu ay Mr Esper waydiiyeen in qorshe lagu duqaynayo Iran uu wali miiska saaran yahay iyo in kale, ayaa Xoghayaha difaacu wuxuu ku jawaabay: “Wali halkaas ma aanan gaarin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here