Maraykanka oo Somalia ugu hambalyeeyay guusha deyn Cafinta

bayle iyo yamamoto

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay heerka ay ka gaadhay dedaallada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha, xilli ay taagan tahay halista cudurka Coronovirus.

Donald Yamamoto, oo bartiisa xiriirka Bulshada kula hadlay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay in ay Soomaaliya ay soo gaartay heerka go’aan qaadashada ee Barnaamijka deyn cafinta.

Wuxuuna sheegay Safiirku in ay Soomaaliya yeelatay mustaqbal ifaya, isagoo intaa raaciyay in uu Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka  habaynta dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here