Mareykanka oo Ciidankiisa Soomaaliya jooga u beddelay kuwa dhulka ka dagaallama

AFRICOM Gen Stephen Townsend

owladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidamadeeda jooga Soomaaliya loo ogolaaday in ay xirtaan Astaanta Ciidanka ee Garabka taas oo ka dhigay in Ciidanka ka dagaallamaan dhulka.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa warbixin ay sii deysay lixdii Bishan lagu sheegay in calaamadda Ciidamada ku xirtaan garabka ee astaanta Ciidanka loo ogolaaday Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Taliyaha guud ee Ciidanka Milatariga Mareykanka James McConville, ayaa sheegay in caalamadda ay astaan u tahay ciidamada dagaallama isaga oo sheegay in Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ay galaan dagaal dhulka ah mararka qaar loona ogolaaday hadda in ay xirtaan caalamadda askarta ku sugan goobaha dagaallada.

Calaamadda ayaa lagu tolaa qeybta hoose ee Calanka Waddanka ee ku sawiran garabka askariga waxaana ay ka dhigantahay in Askarigaasi uu ku suganyahay goob dagaal.

Mareykanka waxaa Qaaradda Afrika ka jooga ilaa 6,000 oo Askari, Soomaaliya kaligeed Ciidanka ka jooga waxaa lagu sheegay ilaa 500 oo Askari kuwaas oo fadhigoodu yahay Garoonka Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli Doogle halkaas oo ay ku tababaraan Ciidamada gaarka ah ee DANAB.

Ogolaanshaha Ciidanka Mareykanka loo siiyay xirashada astaanta goobaha dagaalka ee Askarta Mareykanka ayaa Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka ay ka dagaallamaan Ciidamada Mareykanka ee kala ah; Afghanistan, Pakistan, Yemen, Iraq, Jordan, Syria iyo Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here