Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay qaar ka mid ah saraakiisha ICC

trump3

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn ku soo rogay saraakiisjha maxkamada caalamiga ah ee ICC ee baaritaanka ku haya in Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen Afqanistaan iyo in kale.

Amarkan madaxwayne ayaa u ogolaanaya Mareykanka inay xayiraan hantida shaqaalaha maxkamada caalamiga ah ee ICC islamarkana ka hor istaagaya in ay Mareykanka soo galaan.

Baaritaanka maxkamada ICC ayaa bilaabmay ka dib markii warbixin hordhac ah lagu ogaaday inay jiraan sababo lagu rumaysan karo in dambiyo dagaal ay dhaceen.

Mr Trump ayaa marar badan cambaareeyay maxkamada islamarkana waxaa uu su’aal galiyya madaxbanaanideeda.

Mareykanka ka mid aha saxiixayaasha cahdigii lagu dhisay maxkamada ICC ee fadhigeedu yahay Hague, islamarkana ma aqoonsana awoodda ay maxkamada u leedahay inay dacwad ku qaado muwaadiniinta Mareykanka.

Khamiistii, wax yar uun ka dib markii amarkan madaxwaynaha la saxiixay ayuu xoghayaha arrimaha dibadda, Mike Pompeo waxuu sheegay in Mareykanka “aysan u hanjabi Karin maxkamad aan rasmi ahayn”.

Waxaa uu intaa ku daray in cunaqabatayntan ay xitaa qeyb ka noqon karaan xubnaha qoysaska saraakiisha Maxkamada in laga hortago inay Mareykanka soo booqdaan.

Xeer ilaaliha guud ee Mareykanka William Barr, ayaa horey u sheegay “in dalal shisheeye sida Ruushka ay galaangal ku yeelanayaan maxkamada ICC iyaga oo ka leh u jeedooda gaarka ah “.

Maxkamada ICC wali kama aysan ka jawaabin tallaabadan ugu dambeysay ee Mareykanka, balse hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay tallaabada Mareykanka.

“Weerarkan lagu qaaday ICC ayaa ah dadaal lagu doonayo in lagu hor-istaago in cadaalad loo helo dambiyada culus ee ka dhacay haddii ay ahaan lahayd Afghanistan, Israa’iil ama Falastiin,” waxaa sidaasi sheegtay Andrea Prasow, oo ah agaasimaha hay’adda xuquuqda aadanaha ee Humans Rights Watch, u qaabilsan Washinton.

“Wadamada taageera cadaalada caalamiga ah waa inay si cad uga soo horjeedsadaan isku daygani aan geedka loogu soo gaban ee cadaalada lagu horistaagayo,” ayay intaa ku dartay.

Madaxa dublamaasiyada u qabailsan midowga Yurub ayaa dhankeeda “walaac xooggan” ka muujiyay tallaabada Mareykanka.

“Maxkamadu waxay door muhiim ah ka ciyaaraysay cadaaladda caalamiga ah iyo xal u helidda tabashooyiinka dambiyada caalamiga ah,” waxaa sidaasi wariyayaasha u sheegay Josep Borrell.

Maxay ahaayeen baaritaanada ICC ay waday?

Baaritaanka ku aadan dambiyada dagaal ee la sheegay in ay Afqanistaan ka geysteen Mareykanka iyo dhinacyada kale ayay maxkamada ICC ogolaatay in la guda galo horraantii sanadkan.

Mr Pompeo ayaa wacad ku maray in Mareykanka uu ka difaaci doono baaritaanadani.

Tallaabooyiinka Taliban, dowladda Afqaanistaan iyo ciidamada Mareykanka ayaa tan iyo bishii May 2003 la filayay in baaritaan lagu sameeyo.

Dalka Afghanistaan ayaa xubin ka ah maxkamada ICC , balse sidoo kale saraakiisha dalkaasi ayaa muujiyay sida ay baaritaanada uga soo horjeedaan.

Maxay yihiin eedeymaha?

Baaritaano hordhac ah oo socday 10 sano ayaa lagu sameynayay dambiyada sida weeraro si ula kac ah loogu qaaday dad rayid ah , xabsi iyo dilal sharciga ka baxsan.

Warbixin ay maxkamada ICC soo saartay 2016 ayaa lagu sheegay in ay jirto sababo lagu aamini karo in militariga Mareykanka ay geysteen jirdil, xarig goobo qarsoodi ah oo ay gacanta ku hayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujinaysa inay jirto sababo lagu rumaysan karo in dowladda Afqanistaan ay jirdil u geysatay maxaabiis islamarkana kooxda Talibaan ay geysteen dambiyo dagaal oo ay ka mid tahay dilal baahsan oo dad rayid ah loo gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here