Mareykanka oo dalbaday in lala soo gaaro gargaar caafimaad oo deg deg ah

trump2

Dalka Mareykanka oo isku arka inuu yahay dalka ugu awooda badan Caalamka ayaa dalbaday in lala soo gaaro gargaar caafimaad oo deg deg ah kadib markii ay soo bateen kiisaska Cudurka Coronavirus ee laga helay dalkaas.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa baaq deg deg ah u diray dalalka Caalamka isagoo ka dalbaday inay lasoo gaaraan ama ay ka iibiyaan qalab Caafimaad oo looga hortago cudurka Corona Virus sida ay qoreen qaar ka tirsan warbaahinta Mareykanka.

Qalabka uu Mareykanka ka doonayo dalalka Caalamka ayaa waxaa kamid ah  mashiinka neefta ka caawiya dadka uu naqaska ku dhago, dawada gacmaha lagu nadiifiyo, maryaha sanka iyo afka lagu xirto, qalabka wajiga lagu xirto, dharka qafilan ee dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha ay xirtaan iyo kuwa kale oo badan.

Mareykanka ayaa dalalka Caalamka ugu baaqay inaysan dhayalsan codsigiisa isla markaasna si deg deg ah loo caawiyo maadaama uu si xowli ah usii faafayo cudurka Corona Virus oo halis weyn ku hayo dhammaan daafaha Caalamka.

Warbaahinta CNN ee Mareykanka ayaa kusoo warrantay in ay heshay dukumenti muujinaya in Mareykanka uu diblomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Washington ka dalbaday 25 shey oo agab caafimmaad ah, kuwaas oo ay sheegtay in aad loogu baahan yahay xilligan.

Sarkaal sare oo xukuumadda madaxweyne Trump u qaabilsan dhanka ganacsiga oo lagu magacaabo Peter Navarro ayaa wargeyska The New York Times u sheegay in Mareykanka uu xitaa gargaar caafimmaad weydiistay Shiinaha oo uu Trump ku eedeeyay in aysan wax badan ka qabanin faafidda fayraska.

Arrintan ayaa imaneyso xilli dhawaan Dowladda Turkiga ay sheegtay in gargaar caafimaad ay u dirtay dalka Mareykanka oo hadda ka mid ah dalalka la daalaa dhacaya fayraska Covid-19, Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baaro fayraska corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka.

Dadka uu ku dhacay xanuunka corona ee dalka Mareykanka waxay tiradoodu gaartay 85 kun, halka 1,300 oo qofna ay u dhinteen.

Mareykanka haatan waxaa uu ka sare maray dalalk Shiinaha iyo Talyanaiga oo ahaa dalalka ugu badan ee laga soo sheegay feyraska corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here