Mareykanka oo dalbatay in deg deg loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

White House

Dowladda Mareykanka ayaa dalbatay in deg deg loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ee salka ku haya hoggaanka hay’adaha amniga.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu dalbaday in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal xushmad ku dhex leh bulshada.

“Waa muhiim in Farmaajo iyo Rooble ay xaliyaan khilaafyadooda, xaqiijiyaan in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal karti iyo xushmad leh, ayna diiradda saaraan soo gabe-gebeynta doorashooyinkoa Soomaaliya ayada oo aan dib loo sii dhigin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here