MAREYKANKA oo dib u billaabay dhaqaalihii uu siin jiray ciidanka xoogga dalka

US embassay

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay toddobaadka dib u billowday qeyb ka mid ah kaalmadii dhaqaale ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee horey loo hakiyey.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay dib u billowday toddobaadkan inay caawimaad amni oo toos ah siiso cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayada oo la taageerayo howl-gallada ka hor-tagga argagixiso ee ka dhanka ah Al-Shababa ee gobolka Shabeellada Hoose.”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay amaaneyso tallaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya, si loo horumariyo maamulka maaliyadda Ciidamada Xoogga Dalka, taasi oo qeyb ka ah is-beddelada lagu sameynayo hay’adaha dowliga ah.

“Tani waxay Mareykanka siineysa kalsooni dheeri ah oo ku aadan hababka la xisaabtanka ee kheyraadka deeq-bixiyaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Soomaaliya inay sii waddo inay ahmiyad siiso is-beddelada amniga, oo ay ku jiraan maareynta hantiada, taasi oo qeyb ka ah, baa la yiri, dadaallada lagu dhisayo ciidamo awood iyo xirfad leh, lalana xisaabtami karo.

“Ayada oo is-beddelada socda ee ciidamada xoogga ay muhiim yihiin, Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay taageeraan kaliya howl-gallada diiradda lagu saarayo ka adkaanta ururada argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa dhinaca kale dib carabka ugu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaa intaas dheer, dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waa tallaabo muhiim u ah dib u aas-aasidda dowladnimada, ammaanka iyo baraaraha dhammaan Soomaalida.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here