Mareykanka oo digniin kasoo saaray shirka Dhuusamareeb

US embassay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa markale war xasaasiya kasoo saartay shirka magaalada Dhuusamareeb uga socda madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada oo uu qeyb ka yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Safaarada ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka uga digtay in shirkaas uu kasoo baxo doorasho ka gedisan midii hore loogu heshiiyey, isla markaana la qabto doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo aan meel kale ama qaab kale loo marin.

Waxay ugu baaqday madaxda ku shirsan Dhuusamareeb ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay xaliyaan dhamaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin ee la xiriir doorashada dalka ee 2021-ka.

Qoraalka Safaarada ee lasoo dhigay barteeda twitter-ka ayaa waxa uu imanaaya xili ay shalay Saaxiibada beesha caalamka oo uu qeyb ka yahay Mareykanka ay ka digeen inay kasoo baxaan shirka Dhuusamareeb wax ka bedelan hanaankii doorasho ee hore loogu heshiiyay ama geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn.

Sidoo kale waxay shalay ku baaqeen dalalkaas in dhamaan madaxda siyaasada ay mudnaanta koowaad siiyaan hirgelinta hab horey loogu socdo, meeshana ka saara dib u dhac dheeraad ah oo ku yimaada doorashooyinka.

“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah” ayaa lagu yiri qoraalkooda.

Si kastaba, Beesha caalamka ayaa maalmihii u dambeeyay ka digayay doorasho hal dhinac ah, iyaga oo ku baaqayay mid wada-ogol ah, si looga baaqsado qalaalase siyaasadeed iyo mid amni, waxayna cadaadis xoog leh saareen madaxda dalka sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here