Mareykanka oo duqeymo cusub ka fuliyey gobolka Sh/Hoose

AlShabaab drone

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeymo diyaaradahooda ay ka fuliyeen Sh/Hoose.

Duqeymaha oo ahaa labo ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kuunyo Barow oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa warkeeda ku sheegtay in weeraradaasi dhanka cirka ah oo dhacay 2/3/2020 ay ku dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab, kuna dhaawaceen 2 kale.

Sidoo kale AFRICOM ayaa qoraalkaan ku sheegtay inay baarayaan haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee ka agdhow goobaha la duqeeyey.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa sheegay in weeraradaasi ay gacan ka siiyeen ciidamada dowladda, isagoo intaasi ku daray inuu laba jibaari doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay diyaraadaha dagaalka Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fuliyaan gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here