Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

AlShabaab drone

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa war ka soo saaray duqeyn cusub oo diyaaradahooda ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanka Bangeeni ee hoostaga magaalada Jamaame ee gobolkaasi.

Sidoo kale agaasimaha howlgalada AFRICOM Gen. William Gayler ayaa sheegay in weerarkan cirka ah lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Gen. William ayaa intaasi ku daray in dagaalyahannada la dilay ay qorshaynayeen inay weerar ku soo qaadaan ciidamada Danab oo howlgallo ka wada halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.

Duqeyntaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maalmihii dambe  ciidamada huwanta oo ay horkacayaan kuwa Kumaandooska Soomaaliya ay howlgallo Milatari ka wadeen agagaarka degmada Jamaame, iyaga oo la wareegay deegaano ka tirsan degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here