Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno Shabaab ka tirsanaa

AlShabaab drone

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn diyaaradahooda shalay gelinkii dambe ay ka fuliyeen deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Galbeed Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay AFRIRCOM ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidankooda iyo kuwa Soomaaliya lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaan cusub lagu khaarijiyey illaa afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in uusan jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntaasi dhinaca cirka ah.

“Mareykanka waxay si dhow ula shaqaysaa la-hawlgalayaasha caalamiga ah dadaallada la xiriira horumarinta waaxda amniga, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo waddamada kale ee ku tabaruca ciidamada Wadajir ahaan, waxaa naga go’an horumarka Soomaaliya ee sii kordhaya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna ka hadashay duqeyntaasi, waxaana ay sheegtay in howlgalkaasi ay la socotay, uuna u dhacay sidii loo qorsheeyey.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda Mareykanka waxay dadaal dheeri ah u galeen sidii looga hortegi lahaa dhibaatada dadka rayidka ah ay ku hayaan Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab.” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sidoo kale waxaa warkaan lagu sheegay in ay sii socon doonaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoona dowladda federaalka ay xustay in duqeymihii ugu dambeyey lagu diley illaa 27 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahannada kooxdaasi hubeysan.

Mareykanka oo garab weyn dowladda federaalka ka siiya dagaalka Al-Shabaab ayaa sanadkaan iyo ka horreeyey kordhiyey howlgallada uu ka fuliyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here