Mareykanka oo gacanta ku dhigay shidaal malaayin doolar ah oo ay Iraan leedahay

trump iyo rouhani

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay la wareegtay 4 markab oo sida Shidaal laga leeyahay Iiran islamarkana ku sii jeeday dalka Venezuela.

Waaa shixnaddii ugu ballaarnayd oo shidaal ah oo ay Mareykanka gacanta ku dhigaan.

Ku dhawaad 1.1 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa gacanta lagu dhigay iyada oo gacan laga helayo “wadamo saaxibo la ah Mareykanka “, sida ay sheegtay wasaaardda caddaaladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Maraakiibtan ay jabiyeen cunaqabataynta Mareykanka ay Iiran ku soo rogeen.

Safiirka Iran u fadhiya dalka Venezuela ayaa sheegay in aysan jirin maraakiib shidaal sidda oo ay Iiran leedahay oo gacanta lagu dhigay.

Garsoore ku sugan Mareykan ayaa soo saaray warqadda lagu soo qabtay shixnadan shidaal ee saarneyd afarta Markab ka dib markii ay dowladda Mareykanka kiis u gudbisay maxkamada bishii aanu soo dhaafnay.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay “in ay ku guuleysteen gacan ku dhigidda “shidaal malaayiin doolar ah oo ay leeyihiin ilaalada kacaanka Iiraan”.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iraan ayaa ah laan ka tirsan ciidamada Iran kuwaasi oo ay Mareykanka u aqoonsan yihiin in ay yihiin urur argagixiso.

“Hantida la qabtay ayaa waxay imika gacanta ug jirtaa Mareykanka ,” ayaa lagu yiri bayaanka iyada oo aan wax faahfaahin ah laga bixin goobta Maraakiibta lagu qabtay.

Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in markii gacanta lagu dhigayay Maraakibtaasi ay ciidamada badda iiraan ay ku guuldareysteen isku deygoodii ahaa in ay Maraakiibtaasi soo koraan.

Sargaal sare oo dwoladad Mareykanka ka tirsan ayaa wakaalada wararka ee AP sheegay in markii Maraakiibtaasi sidday shidaalka la qabanayay aan la isticmaalin wax awood Militari ah, taa badalkeedana shirkadaha Maraakiibtani iska lahaa loogu hanjabay cunaqabatayn si loogu qasbo in shidaalka ay Mareykanka ku soo wareejiyaan.

Ma cadda ilaa iyo imika goobta ay ku sugan yihiin Maraakiibtan kala ah Bella, Bering, Pandi iyo Luna .

Danjiraha iraan u fadhiya Venezuela Hojat Soltani ayaa wararka sheegaya in la qabtay Maraakiib sidda shidal Iiraan laga leeyayahay ku tilmaamay “dacaayad been abuur ah “.

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanak iyo iiraan ayaa aad sareysay tan iyo markii maamulka madaxwayne Donold Trump uu ka baxay heshiiskii Niyukleeka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo dalalka reer galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here