Mareykanka oo iibsaday dhammaan dawada cudurka corona ee adduunka taallay

remdesivir coronavirus

Mareykanka ayaa iibsaday inta badan dawooyinka cudurka corona ee dunida yaalla, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn caalamka, oo uu ka mid yahay wargeyska “The Guardian”.

Warkan oo ay sidoo kale qoreen New York Post, Al Jazeera iyo Sky News ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay qaadatay guud ahaan dawooyinkii Remdesivir ee laga heli karay dunida saddexda bilood ee soo socota.

Dawada remdesivir waxay ka mid tahay labo dawo oo ilaa hadda la xaqiijiyay inay la dagaallami karaan cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

Waaxda Adeegga Caafimaadka ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo (HHS) ayaa Isniintii shaacisay inay gacanta kusoo dhigtay in ka badan 500,000 oo dawada remdesivir ah, taasoo ay kala wareegtay shirkadda dawooyinka sameysa ee lagu magacaabo Gilead.

140,000 oo xabo oo ka mid ah dawadaas ayaa horay loo soo saaray waana la wada iibiyay.

Dawadan oo ah midda koowaad ee la isku waafaqay inay daweyneyo coronavirus ayaa waxaa soo saarta shirkadda Gilead oo kaliya.

Waxay intaas ku dartay in dawadan la wada geynayo isbitaallada Mareykanka ilaa bisha September.

Tirada dadka Mareykanka ugu dhintay coronavirus ayaa la sheegay inay ka badan yihiin inta lasoo tabiyo
Qoraalka sawirka,Tirada dadka Mareykanka ugu dhintay coronavirus ayaa la sheegay inay ka badan yihiin inta lasoo tabiyo

Xaddiga dawada uu Mareykanka qaatay ayaa ah 100% tiradii ay shirkadda Gilead caalamka ugu talagashay bisha July iyo min 90% loogu talagalay dunida bisha August iyo September.

Madaxweyne Trump wuxuu heshiis cajiib ah ku suurtagaliyay in qof walba oo Mareykan ah uu helo dawada la xaqiijiyay ee ka caawin karta cudurka Covid-19,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray xog hayaha waaxda Caafimaadka Mareykanka, Alex Azar.

“Waxaan dooneynaa in bukaan kasta oo Mareykan ah uu sida ugu sahlan u helo dawada remdesivir,” ayuu ku yiri qoraalka.

Tallaabada uu Mareykanka ku iibsaday dawadaas ayaa ka dhigan in UK, Europe iyo inta badan caalamka aysan heli karin dawadaas, sida uu qoray wargeyska “The Guardia”.

Dawada Remdesivir ayaa horay loogu daweyn waayay fayraska Ebola
Qoraalka sawirka,Dawada Remdesivir ayaa horay loogu daweyn waayay fayraska Ebola

Khubarada caafimaadka iyo dadka u ol’oleynaya helitaanka dawada fayraska Corona ayaa walaac ka muujiyay go’aanka ay dowladda Mareykanka dawadaas kaligeed ugu qaadatay.

Waxay sheegeen in arrintan ay cawaaqib xumo aad weyn dhalin karto haddii lagu guul darreysto in si deg deg ah loo soo saaro tallaalka Covid-19.

Maamulka Trump ayaa horay u sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu dalalka kale oo dhan uga hormari lahaa helitaanka dawada cudurkan, oo ay baahida ugu badan u qabaan Mareykanka.

Remdesivir waxay dadka heysta ceymiska caafimaadka ee aan dowliga ahayn ku iibsan karaan lacag dhan $3,120 oo doolar, sida ay Isniintii sheegtay shirkadda sameysa dawadaas.

Waxay mas’uuliyiinteeda intaas ku dareen in Isbitaallada ay halkii xabo eedawadaas ah ku helayaan %500 oo doolar, marka ay u isticmaalayaan bukaannada ku jira ceymiska gaarka loo leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here