Mareykanka oo ka hadlay xaaladdii ugu dambeysay ee weerarka saldhigga Manda Bay

us africom

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu, islamarkaana ciidamada Mareykanka iyo Kenya ay iska caabiyaan weerarka Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri “Anaga oo la shaqeeneyna saaxiibadeena Kenya, saldhigga ciidamada cirka waa la nadiifiyey, waxaana weli socda hanaan si buuxda loogu sugayo.”

AFRICOM ayaa sheegtay in war-saxaafadeedyo dhowr ah oo Al-Shabaab ay kasoo saartay dhacdadan ay yihiin kuwa lagu buun-buuninayo xaaladda amniga ee saldhigga. “Dhaqankan waa mid caadi u ah ururkan argagixiso.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

“Al-Shabaab waxay doortaan been, cadaadis iyo inay awood u adeegsadaan sare u qaadidda sumcaddooda, si ay u abuuran warar been abuur ah,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Major General William Gayler.

“Waa muhiim in loogu jawaabo Al-Shabaab halka ay taagan yihiin, si looga hortago faafitaanta kansarkan,” Ayuu yiri Gayelr.

AFRICOM waxay sheegtay in xaaladda amni ee Manda Bay ay tahay mid aan fadhin.

“Al-Shabaab waa urur argagixiso oo aan arxan lahayn. Waa koox ku xiran Al-Qacida oo raadineysa inay dowlad Islaam ah ka aas-aasaan Bariga Afrika, si ay meesha uga saaraan saameynta reer galbeedka iyo fikradahooda ee gobolka. Joogitaanka Mareykanka ee Africa waa u muhiim dadaallada looga hortagayo aragixisada.” Ayuu yiri Gayler.

AFRICOM waxay sheegtay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay waxyeelo gaartay qalabkii yaallay saldhigga, islamarkaana ay socoto qiimeynta shaqaalaha saldhigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here