Mareykanka oo laga helay cudur kale oo maskaxda bani’aadanka cuna

Naegleria fowleri

Hal kiis oo ah cudur maskaxda bani’aadanka unugyadeeda cuna ayaa laga xaqiijiyay gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee gobolkaas.

Cudurkan ayaa ah mid dhif ah oo aan marar badan la arkin, balse halistiisu ay aad u weyn tahay.

Waaxda Caafimaadka ee Florida (DOH) ayaa sheegtay in qofka laga helay cudurka, oo ku sugan deegaanka Hillsborough uu muujiyay calaamadaha xanuunkaas, oo lagu magacaabo Naegleria fowleri.

Cudurkan oo jeermiskiisa uu yahay ili ma qabato ayaa ku dhex faafa maskaxda, wuxuuna sida lagu yaqaanno sababaa dhimasho deg deg ah.

Inta badan cudurkani wuxuu ka dhashaa bisha nadiifta ah ee diirran, wuxuuna jirka kasoo galaa sanka.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Florida wali ma aysan faahfaahinin halka cudrkan uu qofka ka qaaday iyo xaaladdiisu sida ay hadda tahay toona.

Khubarada ayaa sheegay in cudurkan uusan ahayn mid ay si toos ah dadka isu qaadsiin karaan.

Laakiin waxay isugu gudbin karaan si dabdab. Tusaale ahaan, biyaha uu isticmaalay qof qaba cudurka ayaa qof kale u gudbin kara marka ay sankiisa gaaraan.

Sawir muujinaya cudurka Naegleria fowleri
Qoraalka sawirka, Cudurka Naegleria fowleri wuxuu dadka ku dhacaa markii ay biyaha jeermiskiisa leh sanka ka galaan

Cudurrada caabuqa ah ayaa si joogto ah loogu arkaa gobollada koonfureed ee dalka Mareykanka. Laakiin aad bay dhif ugu yihiin gobolka Florida, waxaana tan iyo sanadkii 1962-kii laga helay 37 kiis oo kaliya.

Hase yeeshee, maadaama ay khatar badan oo dhimasho ah ka dhalan karto, waaxda caafimaadka ayaa 3-dii bishan July soo saartay digniin ay dadka ku dhaqan deegaanka Hillsborough ugu sheegeyso inay ka taxaddaraan cudurkaas.

Shacabka waxaa lagula taliyay inay sankooda ka ilaaliyaan biyaha tubooyinka iyo ilaha kaleba.

Biyaha laga digay waxaa ka mid ah kuwa waraha, harooyinka, wabiyada, ceelasha, dooxooyinka iyo kanaallada. Dhammaan meelahaas waxaa la rumeysan yahay inuu jeermiska ku nool yahay xilliga xagaaga ee ay kuleylaha jiraan, gaar ahaan inta lagu guda jiro bilaha July, August iyo September.

Dadka uu ku dhaco cudurka Naegleria fowleri waxaa calaamadaha ay isku arkayaan ka mid ah qandho, lalabo iyo matag. Sidoo kale waxay dareemi karaan xanuun qoorta iyo madaxa ah.

Inta badan bukaannada uu haleelo waxay ku geeriyoodaan hal isbuuc gudihiis.

Naegleria fowleri waa dilaa
Qoraalka sawirka, Naegleria fowleri waa dilaa

Saraakiisha waaxda caafimaadka waxay dadka calaamadahaas isku arka ku boorrinayaan “inay si dhakhso ah gargaar caafimaad u raadsadaan, maadaama uu cudurkan deg deg waxyeello u geysto”.

“Xasuusnow in cudurkan uu yahay mid dhif ah, ka hortaggiisuna uu muhiim u yahay in si nabad ah looga gudbo xilliga xagaaga ee uu diirimaadka jiro,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay waaxda caafimaadka ee Florida.

Caabuqyada cudurka Naegleria fowleri way ku yaryihiin dalka Mareykanka, sida ay sheegtay laanta xakameynta iyo ka hortagga cudurrada ee dalkaas.

Intii u dhaxeysay sannadihii 2009 ilaa 2018 waxaa waddanka Mareykanka laga soo tabiyay 34 kiis oo kaliya.

30 ka mid ah dadka uu cudurka ku dhacay waxay toos uga qaadeen biyaha, saddex ka mid ah wuxuu ka soo raacay tubooyin ay biyo ka isticmaaleen dad caabuqa qaba oo sankooda taabtay, halka qof kalena uu cudurka ka qaaday tubo

Waddamo kale, oo ay ka mid tahay Pakistan, ayaa cudurkan dilaaga ah laga soo tabiyay.

Sanadkii 2012-kii ayuu 10 ruux ku dilay magaalada Karachi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here