Mareykanka oo laga helay dawo caawin karta bukaanada qaba COVID-19

remdesivir coronavirus

Sarkaalka ugu sarreeya ee Mareykanka u qaabilsan ka hor-tagga cudurka caabuqa ayaa sheegay in dawada Remdesivir ee lagula dagaalo fayruska, oo ay sameyso shirkadda Gilead, ay noqon doonta dawada guud ee lagula tacaalo cudurka COVID-19.

Hadalka Dr. Anthony Fauci ayaa yimid kadib markii natiijo horudhac oo laga helay tijaabo la sameeyey ay muujisay in dawada ay bukaanada ka caawiso inay si dhaqso ah uga soo bogsadaan xanuunkan uu sababo coronavirus.

Dr. Fauci ayaa sheegay in natiijada horudhaca ee tijaabada dowladda Mareykanka ay muujineyso in bukaanadii la siiyey dawada Remdesivir ay kasoo kabasho deg deg badnaayeen kuwa aan la siin 31%, taasi oo uu ku qeexay “mid muhiim ah.”

“Tani xaqiiqdii waa muhiim,” ayuu Fauci ugu sheegay weriyayaasha Aqalka Cad, isaga oo la meel-dhigay sanaddii 1986-kii, markaasi oo uu yiri “waxaan la xarbineynay inaan dawo u helno HIV, waxbana ma hayn.”

“Tani waxay noqon doontaa dawada guud ee lagula tacaalo dadka,” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray “Hay’adda maamusha dawooyinka ee FDA ayaa kala shaqeyneysa Gilead hababka dawada ay ku heli karaan dadka u baahan.”

Shirkadda Gilead ayaa Arbacadii soo bandhigtay xog wanaagsan oo muujineysa in dawada ay si wanaagsan u shaqeyso marka bukaanada la siiyo xilli hore.

Machadka Qaran ee Caafimaadka ayaa sheegay in natiijada horudhaca ah ee 1,063 oo bukaan ay muujineyso in bukaanada la siiyey Remdesivir ay cudurka Coronavirus uga soo kabteen cel-celis ahaa muddo 11 maalmood ah.

Ma jirto illaa iyo hadda dawo si rasmi ah loo ansixiyey oo lagu daweeyo Coronavirus, taasi oo dhaqaatiirta ku qasabtay inay tijaabiyaan dawooyin kala duwan.

Weli Remdesivir laguma qeexin inay dawo u tahay cudurka, hase yeeshee waxaa bukaanada ka caawisaa inay deg deg uga kacaan cudurka marka loo eego kuwa aan la siin, waxaana jiri doona tijaabooyin kale oo dheeri ah oo lagu sameyn doono.

REUTERS + VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here