Mareykanka oo madax goboleedyada Soomaaliya u gudbiyey dalab culus

US embassay

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wada-shaqeyn ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay horumarka siyaasadeed ee 2020 iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in danjire Donald Yamamoto uu la kulmay afar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, islamarkaana uu kala hadlay baahida loo qabo in si wada jir ah wax looga qabto caqabadaha taagan, wanaag Soomaaliya darteed.

“Dib u billaabidda hanaanka wada-hadal iyo isu-tanaasul ayaa muhiim u ah dhammaan dhinacyada. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sare u qaadiida hadafyada aan wadaagno ee ah xaqiijinta Soomaaliya barwaaqo u ah dhammaan Soomaalida. Dadka Soomaaliya ayaa dalbanaya, jiilka mustaqbalka ayaa rajeynaya, waana in hoogaamiyayaasha Soomaaliya ay fuliyaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Yamamoto ayaa 23-kii bishan la kulmay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kalana hadlay baahida deg degga ah ee loo qabo in samai-leyda siyaasadda Jubaland ay dhameeyaan is-marin waaga siyaasadeed, islamarkaana si isku mid ah diiradda loo saaro la-dagaalanka Al-Shabaab.

Danjiraha ayaa sidoo kale 23-kii bishan la kulmay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, kalana hadlay taageerada Mareykanka uu siiyo ciidamada ammaanka ee Puntland, muhiimadda doorasho qaran oo laga wada qyeb-galo, iyo baahida deg degga ah ee loo qabo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Toddobaadkii tagay danjiraha ayaa la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen kalana hadlay arrimaha ammaanka iyo horumarka iskaashiga gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uu sidoo kale la kulmay madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, kalana hadlay muhiimadda xoojinta saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wada shaqeynta Amisom.

Kulamadan ayaa kusoo aadaya ayada oo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay ku gacan seereen habka ay xukuumadda u wajaheyso hanaanka doorashooyinka 2020, iyo ansixinta sharciga doorashooyinka ee baarlamanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here