MAREYKANKA oo qirtay in khasaare uu kasoo gaaray weerarkii Janaa Cabdalle

Marine usa

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qirtay in khasaare uu kasoo gaaray weerarkii maanta kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Chris Karns oo ah afhayeenka AFRICOM ayaa VOA u sheegay in hal askari oo Mareykan ah uu ku dhaawacmay weerarka, wuxuuna intaas ku daray in askarigaas ay iminka xaaladdiisa degan tahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhaawaca uusan ahayn mid helis gelinaya nolosha askariga.

Chris ayaa dhanka kale sheegay inay dileen mid ka mid ah dagaal-yahanada ururka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday

Saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ku yaalla deegaanka Janaa Cabdalle oo ilaa 50 km dhinaca Galbeedka ka xigta magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta qarax ku weeraray Al-Shabaab. Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay fashiliyeen gaari noociisu yahay Toyota Surf oo ay Al-Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qarax is miidaamin ah la beegsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa Maraykanka, islamarkaana ay weerarka ku dileen 4 askari oo Mareykan ah iyo 16 Soomaali ah oo Mareykanka uu tababaray.

Ciidamada maamulka Jubaland ayaa toddobaadkan dib u qabsaday degaanka Janaa Cabdalle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here