Mareykanka oo shaaciyay cadeyn muujinaysa xiriir ka dhaxeeyay Pompeo-Giuliani

giulani iyo pompeo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, ayaa waxa ay shaacisay diwaanno la xiriira qaarka uu maamulka Trump ula dhaqmay Ukraine.

Dikumintiyada ayaa waxaa la gaarsiiyay hay’adda dhanka anshaxa kala socota dowladda Mareykanka kaddib markii la codsaday in iyadoo xorriyadda xogta la adeegsanayo dikumintiyadaas la bixiyo.

Diiwaannada ayaa waxa ay muujinayaan xiriir joogta ah oo u dhaxeeya Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo iyo qareenka Mr Trump ee shakhsiga Rudy Giuliani.

Xiriirka Mareykanka iyo Ukraine ayaa waxa uu udug dhexaad u yahay baaritaanka xil ka qaadista Mr Trump.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu hakiyay deeq ku socotay Ukraine oo uu meelmariyay Koongareeska si uu cadaadis ugu saaro dalkaas si uu u baaro ninka ay siyaasadda isku hayaan ee Joe Biden.

Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in baaritaanka uu yahay “mid lagu ugaarsanayo” waxa uuna diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

Dikumintiyadu maxay sheegayaan?

Mr Giuliani ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu sharaf rido safiirkii hore ee Mareykanka u fadhisay Ukraine, Marie Yovanovitch, xilli uu waday howlo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee Ukraine. Waxaa su’aalo laga keenay waxa uu Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ka ogaa arrinta.

Diiwaannada ayaa waxa ay muujinayaan Mr Pompeo iyo Mr Giuliani oo si xiriir ah u wadahadlaya – walow aanan la garanayn mowduucyada waxyaabaha ay ka wadahadlayeen.

Emaillada ku jira dikumintiyada ayaa waxa ay muujinayaan in labada nin ay taleefanka ku wadahadleen 27 iyo 29 Maarso.

Wicitaanka labaad ayaa yimid kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha Giuliani uu email u diray kaaliyaha Madaxweyne Trump, Madeleine Westerhout, si uu u waydiiyo inay hayso taleefanka Mr Pompeo.

Qareenka gaarka ah ee Trump, Rudy Giuliani oo la sawiray isagoo taleefan ku hadlaya
Qareenka gaarka ah ee Trump, Rudy Giuliani oo la sawiray isagoo taleefan ku hadlaya

Ms Yovanovitch ayaa bishii May waxaa laga qaaday xilka safiirnimadii Ukraine.

“Waannu aragnaa sababta Mike Pompeo uu u diiday in xogtan uu Koongareeska u siiyo. Waxa ay shaaca ka qaadaysaa warqadda raad-raaca ah ee ka timid Rudy Giuliani ee ku socotay Xafiiska Mareykanka loogaga taliyo gaar ahaan Xoghaye Pompeo inuu fududeeyo ololaha sumcad rididda ah ee uu Giuliani wado ee ka dhanka ah safiirka Mareykanka,” ayuu bayaan uu soo saaray ku sheegay Agaasimaha Guud ee hay’adda ilaalisa anshaxa hab dhaqanka Ameerika, Austin Evers.

“Tani waa wareegga koobaad ee soo shaacbixinta xogta. Cadaynta la helayana waxa ay sii halaynaysaa maamulka, xilli ay burburayso istiraatiijiyadda dib u dhigista iyo hor istaagga awaamiirta maxkamadda.” Ayuu sii raaciyay.

Maxaa lagu eedeeyay Madaxweyne Trump?

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay sidii uu dowladda Ukraine cadaadis ugu saari lahaa inay baaritaanno ku sameyso musuqmaasuq lala xiriiriyay siyaasiga loollanka kula jira ee lagu magacaabo Joe Biden iyo wiilkiisa.

Biden oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, wiilkiisa wuxuu la shaqeyn jiray shirkad gaaska ku shaqo leh oo laga leeyahay Ukraine, taasoo lagu magacaabo Burisma.

Balse Mr Trump wuxuu iska fogeeyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Sida Trump xilka looga qaadi karo

Maxaa lagu sheegay Qorshaha?

Dukumiintigan oo ka kooban siddeed bog ayaa muujiyay in hannaaka mooshinka oo labo waji kala ah la guda gali doono.

Wajiga hore, guddiga sirdoonka ee aqalka wakiillada ayaa sii wadi doona baaritaannadooda waxayna kiiska u dhageysan doonaan si shacabka u furan.

Waxay guddigu xaq u yeelan doonaan inay dadweynaha usoo bandhigaan caddeymaha ay sida gaarka ah u helaan.

.
Diyaarinta mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Trump ayaa socotay in muddo ah

Wajiga labaad, warbixin aan qarsooneyn oo ku saabsan caddeymaha la helay ayaa loo gudbin doonaa guddiga dhinaca caddaaladda ee aqalka wakiillada, kuwaasoo sameyn doona hannaan u gaar ah oo ay u wajahaan hirgalinta mooshinka xil ka qaadista.

Qareennada madaxweyne Trump ayaa markaas loo oggolaan doonaa inay goob joog ka ahaadaan kulamada guddiga caddaaladda.

Waa maxay mooshinka xil ka qaadista?

Marka uu erayga “mooshinka xil ka qaadista” ku jiro mowduuca aan hadda ka hadleyno micnihiisu waa in dacwad la geeyo aqalka Congress-ka, taasina waxay abuuri doontaa maxkamadeyn ka dhan ah madaxweynaha oo gudaha aqalka lagu falanqeeyo.

Dastuurka dalka Mareykanka wuxuu dhigayaa “in madaxweyne mooshin xil ka qaadis ah laga keeni karo marka lagu helo dambiyada kala ah: Khiyaano Qaran, Musuqmaasuq ama laaluush qaadasho iyo waliba dambiyada kale ee kuwaas kasii waaweyn”.

Hannaanka mooshinka xil ka qaadista waa inuu billaabo aqalka wakiillada wuxuuna u baahan yahay aqlabiyad fudud oo lagu ansixiyo. Laakiin maxkamadeynta waxaa lagu sameyn karaa aqalka odayaasha ee Senate-ka.

Laakiin markii halkaas la geeyo, in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo waxay u baahaneysaa codadka saddex meelood labo meel oo ka mid ah xildhibaannada – arrintaasna wali kama dhicin taariikhda Mareykanka.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here