Mareykanka oo shaaciyay sawirradii ugu horreeyay ee weerrarkii Baqdaadi

baqdaadi dil

Milateriga Mareykanka ayaa waxa uu shaaciyay muuqaalkii ugu horreeyay ee laga qaaday weerrarkii lagu dilay hogaamiyaha ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee waqooyiga Suuriya.

Muuqaal midabka danbaska ah leh ayaa waxa uu muujinayaa ciidammada oo xabadaynaya maleeshiyaadka ku sugnaa dhismaha markii ay u dhacayeen goobtaas halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayay Abuubakar al-Baqdaadi ka hor inta aanay gudaha goobta u gelin.

Baqdaadi ayaa waxa uu u baxsaday god dhulka hoostiisa ku yaalay halkaas oo uu isku dilay kaddib markii uu qarxiyay suun ay qaraxyo ka buuxeen oo uu xirnaa.

Weerrarka kaddib dhismihii hub ayaa lagu burburiyay.

Madaxa taliska dhexe ee ciidammada Mareykanka, Janaraal Kenneth McKenzie, ayaa sheegay in dhismayaasha la burburiyay ay u muuqdeen “meel baabuurta la dhigto oo kale oo ay ku yaalaan godod waa weyn”.

Janaraal McKenzie ayaa sheegay in laba carruur ah ay Baqdaadi godka kula dhinteen – oo tirada carruurtu saddex ma aanay aheyn sida lagu sheegay wararkii hore.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan xaqiijin karin qaabka uu madaxweyne Donald Trump u macneeyay dhimashadii Baqdaadi ee uu ku sheegay inuu qaylinayay oo ooyayay markii uu dhimanayay.

“Waxa uu u guurguurtay godka isagoo wata laba carruur ah halkaas ayuuna isku qarxiyay iyadoo dadkiisa ay barxadda ku sugan yihiin. Waxaad ficilkiisa ka garan kartaa qofka uu ahaa,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

“Taasi waa sida aan u arko waxa uu sameeyay. Wax kale oo aan xaqiijiyo iima suuragelin oo ku saabsan ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ee noloshiisa. Ma xaqiijin karo.”

Image from raid on Baghdadi compound

Janaraal McKenzie ayaa sheegay in afar haween ah – oo xiran suuman laga soo buuxiyay walxaha qarxa – iyo hal nin lagu dhex dilay dhismaha.

Waxa uu sheegay in tira aan la garanayn oo dagaalyahanna ah ay sidoo kale dhinteen kaddib markii ay rasaasta soo ridday diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka.

Waxa uu intaasi ku daray: “Waxaan doonayaa inaan caddeeyo walow uu jiray cadaadis aad u sarreeya iyo heerka sare ee uu howlgalku ahaa in dedaal ballaaran la sameeyay si loogaga gaashaanto in dadka rayidka ah ay waxyeelo soo gaarto, carruurtana la ilaaliyo kuwaas oo laga shakisnaa inay gudaha dhismaha ku sugan yihiin.”

Baghdadi addressing crowd in Mosul, 2014
Image captionBaqdaadi ayaa magaalada Muusil 2014-kii waxa uu uga dhawaaqay inuu abuuray “khaliifo”

Janaraal McKenzie ayaa waxa uu xaqiijiyay in haybta hogaamiyaha ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah lagu ogaaday hannaanka hidda-sidaha ee DNA-da, isagoo intaas ku daray in hore loo hayay nuqulo ka mid ah dikumintigiisa tan iyo markii Baqdaadi lagu hayay xabsi ku yaal waddanka Ciraaq 2004.

Waxa uu sheegay in haraadiga maydka Baqdaadi ayaa waxaa loo duuliyay saldhigga si loo baaro haybtiisa markaa kaddibna waxaa lagu aasay badda 24 gudahood markii uu dhintay “taas oo ah sida ay dhigayaan shuruucda iskudhacyada hubaysan”.

Map of where the raid took place

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here