Mareykanka oo shaaciyey cidda Al-Shabaab ku gacan siisay weerarkii Manda Bay

us africom

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, AFRICOM ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in mintidiin Al-Shabaab ah oo kasoo gudbay xuduudda Soomaaliya ay fuliyeen weerarkii horaantii bishan lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee Lamu – Ayaga oo gacan ka helaya dad ku sugan gudaha Kenya.

“Waxaan qiimeynay in Shabaabka ay ka yimaadaan Soomaaliya, balse ay taageero ku helaan fududeeyayaal ku sugan gudaha Kenya, iyo Kenyan ku haminaya inay noqdaan Al-Shabaab,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Gregory Hadfield, oo ah agaasime ku-xigeenka sirdoonka ee AFRICOM.

“Waxaan sidoo kale qiimeynay in kadib weerarkii ay kusii socdaan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya,” ayuu yiri.

Henry Mayfield Jr. oo ka tirsanaa ciidamada Mareykanka iyo laba qandaraasle oo kale oo la shaqeynayey wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu dilay weerarkaas, oo weli baaritaan lagu hayo.

Inkasta oo weerarkaas uu kusoo aaday xilli ay aad u kacsaneyd xiisadda Mareykanka iyo Iran, haddana saraakiisha AFRICOM waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in labada dhacdo aysan wax xiriir ah lahayn.

“Si dhab ah uma sheegi karo waxa ujeedkoodu ahaa, balse waxaan u malaynayaa inay damacsanaayeen olole warbaahineed oo ay ku qoranayaan dagaalyahano cusub, sababtoo ah mar kasta oo ay weeraraan Mareykanka waxa sameynayaan sidaas,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Gen. William Gayler.

Saraakiisha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab damacooda ugu weyn uu yahay inay weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka, oo ay ku jiraan gudaha dalka Mareykanka, hase yeeshee aysan xilligan lahayna awooddaas.

“Waxaan ognahay in cadaadiska xooggan ee aan ku saarno Soomaaliya, aysan hadda lahayn awood ay ku weeraraan gudaha Mareykanka, sababtoo ah cadaadiska aan ku saarno Soomaaliya, ayaa ka hor taagan,” ayuu yiri Gayler.

Mareykanka ayaa wixii ka dambeeyey markii uu xukunka qabtay madaxweyne Donald Trump sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here