Mareykanka oo shaaciyey in ay dileen YUUSUF JIIS

shabaab sarkaal

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday inay xaqiijiyeen, in qof ka mid ah saddex qof oo lagu dilay duqeyn ay Soomaaliya ka fuliyeen labadii April, uu ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Hoggaamiyahan ayey AFRICOM ku sheegtay inuu ahaa Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab, islamarkaana agaasimay weeraro badan oo kooxda ay ka fulisay Soomaaliya iyo dalalka Bariga Africa qaarkood.

Taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa yiri “ Yuusuf Jiis waxa xuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa argagixisada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin dhibaato badan, arxan darran, kana mas’uul ah in dad badan oo aan waxba galabsan ay noloshooda waayaan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa ka nabdoon sidii hore.”

Weerarka lagu dilay Yuusuf Jiis ayaa waxaa ka dhacay deegaanka Bush Madiina ee gobolka Baay, islamarkaana 135-mile dhinac galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

AFRICOM waxay sheegtay in inkasta oo khaarijinta Yuusuf Jiis ay meesha ka saartay inuu dhib dambe gaysto, haddana loo baahan yahay in lasii wado dadaallada joogtada ah ee loo baahan yahay si nabad iyo xasilooni joogto ah loogu soo dabbaalo Soomaaliya.

Dhinaca kale, AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn kale oo cusub oo 6-dii April laga fuliyey magaalada Jilib lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay shan ka mid ah argagixisada Al-Shabaab. AFRICOM waxay sheegtay inay qiimeeyeen inaan duqeyntaas lagu dilin ama lagu dhaawicin dad shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here