Mareykanka oo u hambalyeeyey madaxweynaha Cusub ee Galmudug Qoor Qoor

US embassay

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiyo magaaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Amb Yamamoto ayaa ka hadlayey doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitterka kusoo qortay in Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug uu yahay bilowga geedi socodka dib u heshiisiin Sal ballaaaran.

“Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiin sal ballaaran. Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha” .

Warka kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Safaarada si dhow ula socotay hanaanka Doorashada Galmudug isla markaana ay soo dhaweynayso Madaxweynaha ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Yamamoto uu halmabalyo u dirayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug loo doortay Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) taasoo muujineyso inuu Mareykanka aqoonsaday doorashadii Maanta ka dhacday Dhuusamareeb.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku soo baxay Wareegii 1 aad ee Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxa uuna helay 66 Cod oo ka mid 77 Cod ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug  ayaa waxaa la tartamay Musharixiinta kala ah, Cabdiraxman Axmed Sabriye,Axmed Shire Maxamed (falagle), Axmed Cabdullaahi Samater.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here