Masaajiddo lagu gubay magaalo ku taallo dalka Itoobiya

banaanbax ethiopia

Ugu yaraan saddex masjid ayaa waxaa lagu weerraray gobolka Amxaarada ee waddanka Itoobiya. Wararka ka imanaya magaalada Motta oo ay ku nool yihiin dad haysto diimo kala duwan ayaa sheegaya in qulqulatooyinka ay dhaceen kaddib markii dab aan la filayn uu ka kacay kaniisad caan ah oo magaaladaasi ku taal.

Haddaba dhalinyaro caraysan oo laga shakisan yahay ayaa habeenkii Jimcaha waxa ay weerrareen masaajidda.

Jemal Mekonnen waa taliyaha booliska ee gobolka Amxaarada, BBC-da ayaa u sheegay:

”Isku daygu waxa uu ahaa in la gubo kaniisadda st George oo ku taalla magaalada Motta xalay oo dab ayaa la qabadsiiyay balse dadka ayaa damiyay dabkaasi”.

”Markaasi ka dib ayaa waxay dhalinyaro bilaabeen in weeraraan masaajidyo ,hal masjid ayaa gabi ahaanba la gubay halka labo kale qeyb laga gubay”, ayuu yiri abaanduulaha booliiska gobolka Amxaarada”.

Dhanka kale waxaa BBC-da la hadlay mid ka mid ah dadkii goob joogayaasha u ahaa rabshadahani waxa uuna yiri:

”Dadka magaalada Motta waxay caan ku ahaayeen isku duubnida dhanka diimahana, isu dulqaadashada ,iyo is qadarinta”.

”Waan is jecelnahay, waana is aaminsanahay, tanina gabi ahaanba waa burbur nasoo wajahay ,waan ka xumahay waxa gaaray walaalaheena musliminta aad ayaan uga xunahay dhacdadan, maalin murugo ayay u tahay dadka reer Motta,waa wax lagu farxo in qofna uusan ku dhiman dhacdadan”.

Bilihii la soo dhaafay waxaa dalkaasi ka dhacay qulqulatooyin diin lala xiriiriyay, walow weriyayaasha Itoobiya ku sugan ay sheegayaan in kala qeybsanaan dhinaca qowmiyadda ah ay badanaa sababaan xiisadda.

Ra’iisalwasaare Abiy ayaa saandkii la soo dhaafay la wareegay xukunka dalkaasi ka dib muddo saddex sano ah oo muddaharaadyo ay ka dhacayeen qeybo badan oo dalkaasi ah, kuwaa oo sababay in uu xilka iska casilo ra’iisalwasaarihii isaga ka horreeyay.

Abiy Axmad ayaa xabsiyada dalkaasi ka sii daayay dadkii u xirnaa arrimaha siyaasadda, waxa uuna xayiraaddii ka qaaday xisbiyada siyaasadeed ee horey mamnuuca ka ahaa dalkaasi, waxaana sidoo kale maamulkiisu uu maxkamad soo taagay shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahay in ay geysteen gaboodfalyo ka dhan ah xaquuqul insaanka.

Balse rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha kala geddisan ee dalkaasi ayaa ka billowday qeybo badna oo dalkaasi ah oo gobolka Amxaarada uu ka mid yahay.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in rabshadahaasi ay ku barakeceen ugu yaraan 2.4 milyan oo qof.

Dalkaasi Itoobiya oo dadkiisu lagu qiyaaso 100 milyan ayaa sanadka dambe lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyinka baarlamaanka.

Waxaana soo baxayay baaq ka imaanayay kooxaha mucaaradka oo dalbanayay in doorashadaasi ay dalka ka dhacdo xilligii loogu tala galay inkastoo qeybo badan oo dalkaasi ay ka jiraan barakac iyo rabshado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here