Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo ku xayiran Muqdisho

wq jubaland Aw Xirsi

Wasiirka wasaaradda qorsheynta Jubaland, Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa sheegay in mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan maamulkaas labadii maalin ee la soo dhaafay ay ku xayiran yihiin magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Aw Xirsi ayaa sheegay in dhowr howlwadeen oo ka tirsan wasaaraddiisa ay ku xaniban yihiin Muqdisho, kuwaas oo howlo shaqo u joogay Caasimada.

“Dhowr hawl-wadeen oo u shaqeeya wasaaradda qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland oo qaarna shaqo u joogey qaarna u soo aadi lahaa ayaa maalintii labaad ku kala xanniban Kismaayo iyo Xamar.” ayuu yiri wasiirka qorsheynta ee maamulka Jubbaland.

Shalay ayey aheyd markii amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka hay’adda hawada lagu joojiyey dhammaan duulimaadyadii magaalada Kismaayo.

Go’aankan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa garoonka magaaladaasi oo hakad jira maalintii labaad.

Arrintan ayaa daba socota khilaafkii ka dhashay doorashadii Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe, taas oo ay ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here