Masuuliyiintii Badda saxiixay oo banaanbax weyn Muqdisho kaga dhowaaqay

badgadeyaal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa si adag u dhaleeceyay madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu lix maalmood si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, maadama uu muddo xileedkiisu ka dhamaaday 8-dii Febraayo.

Shariif ayaa ku dhawaaqay in xiligan loo baahan yahay in dalka ka dhacaan banaanbax nabadeed oo shacabka ku dalbanayaan doorasho loo dhan yahay, taasi oo meesha ka saaraysa damaca madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ninkii saxiixay badda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxa uu ku dhawaaqay Sheekh Shariif uu dhici doono maalinta Jimcaha oo taariikhdu ku beegan tahay 19-ka Febraayo 2021.

Waxa uu sheegay in banaanbaxaas uu ka dhici doono Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasi oo lagu dalbanayo in dalka uu si dhaqso ah ku aado doorasho, isla markaana laga wada-shaqeeyo arrimaha ku hor gudban doorashada.

Labada masuul ayaa ku eedaysan masuuliyada in badda Soomaaliya ay muran gasho, waxayna baaqoodan ku soo beegeen waqti dowlada Soomaaliya ay dalka kenya kaga guulaysatay muran hareeyey waqtiga dacwada la qaadayo, iyadoo baaqoodan ay shacabka Soomaaliyeed u arki doonaan mid Kenya loogu hiilinayo, taas oo sababi doonta inay waayaan taageerada shacabka iyo banaanbaxa ay ku baaqeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here