Matoor diyaaradeed oo ololaya oo diyaarad ka soo dhacay oo ku habsaday guryo

matoor diyaaradeed

Diyaarad nooceedu yahay Boieng ayaa guryo ku yaalla magaalada Denver qayba ka mid ah matoorkeeda oo ololaya ku soo duldhacay guryo magaaladaasi ku yaalla.

Diyaaradda Boeing 777, oo ay saarnaayeen rakaab dhan 231 iyo 10 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, ayaa si nabad ah ku soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Denver. Wax qasaara ah oo shilkaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

Boolista ku sugan magaalada Broomfield ayaa baahiyey sawir muujinaya qaybta hore ee matoorka diyaaradda oo guryo ku soo dul dhacay.

Rakaabka diyaaraddaasi saarnaana waxay sheegeen qarax aad u weyn iney maqleen waxyar un kaddib marki ay diyaaraddu garoonka ka duushay.

Wakaaladda Maamusha Duulista Hawada ee FAA waxay sheegtay diyaaradda Matoorkeeda gubtay kaddibna soo dhacay inuu yahay kan midigta.

Diyaaradda duullimaadkeeda oo ku diiwaangashanaa 328, oo ah diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaraaha United Airlines waxay ku sii jeedday Honolulu.

Mid ka mid ah dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi saarnaa oo wakaaladda wararka ee AP u warramay wuxuu sheegay inuu duuliyaha diyaaradda uu rakaabka u sheegay inuu qarax aad u weyn uu jiro.

“Diyaaraddu waxay billowday iney si aad ah u ruxanto, waxaanna awoodi weynay inaan sare u soconno kaddibna waxaan billownay inaan hoos u dagno” ayuu yiri David Delucia.

Wuxuuna intaasi uu ku daray isaga iyo xaaskiisa boorsada yar ee jeebka oo ay macluumaadkooda oo dhan ku jireen ay jeebka gashadeen si ay haddii ay diyaaradda burburto xogtooda halkaasi looga helo.

Muuqaallo qaab online ah lagu baahiyey ayaa muujinaya qiiq matoorka diyaaradda ka baxaya. Muuqaal kale oo qof diyaaradda saarnaa uu duubayna wuxuu muujinayaa matoorki oo uu dab qabsaday iyo daboolka kore ee matoorka oo meesha ka maqan.

Dhacadadan ayaa dhacday Sabtidi saacaddu markay ahayd 5-tii galabnimo ee wakhtiga magaalada Denver.

Booliska magaalada Broomfield waxay shacabku fareen qaybaha matoorka diyaaradaha ee guriyahooda ku soo dul dhacay ineysan taaban.

Hay’adda mamusha duullimaadyada iyo Guddiga Badqabka gaadiidka qaran ayaa billaabay baaritaan dhacdadaasi la xiriiro.

Qayb ka mid ah matoorka diyaaradda Boeing 777
Qayb ka mid ah matoorka diyaaradda Boeing 777
Qayb ka mid ah matoorka diyaaradda Boeing 777

Mid ka mid ah shacabka ku nool magaalada Broomfield wuxuu CNN u sheegay inuu arkay gabal ka mid ah diyaaradda oo soo dhacaya kaddibna carruurtiisa uu meel gabbaad ah la galay.

“Waxaan marka hore maqalnay qarax aad u weyn, markaan eegnay halka u qaraxa ka dhacayna waxaan aragnay qiiq madoow oo cirka ka muuqdo, kaddibna waxaan aragnay wax cirka ka soo socdo oo aan u maleyneynay wax aad u culus balse marka ay dhulka ku soo dhacday ayaan ogaannay waxa soo dhacay inuu yahay gabal ka mid ah matoorka diyaaradda ee gubtay” ayuu yiri Kieran Cain said.

Balse weli ma cadda waxa sababay inuu mid ka mid ah matoorrada diyaaradda uu qarxo kaddibna uu gubto.

Diyaaradda Boeing 777-200, ayaa la sameeyey 26 sano ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here