Maxaa James Swan loogala hadli waayey in Somaliya wadahadaladdii lagu khasbo?

james swan iyo madaxweyne muuse

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa doraad xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Somalia u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa James Swan.

Markii kulanku dhamaaday, warsaxaafadeedka waxa ugu horeeya ee Reer Somaliland sugayeen inay ka maqlaan waxay ahayd in Soomaaliya iyo Somaliland wadahadlaan oo kala baxaan iyo in Beesha caalamka la xusuusiyo kaalintooda waajibka ah, Somaliyana lagu khasbo miiska wadahadalka ee ay diiday.

Waxaa warsaxaafadeedka mucdiisii noqday “waxaa laga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan Somaliland”, arintani waxay inoo cadeynaysaa labo arimood.

1. In Soomaaliya siyaasadii inooga adkaatay oo toodii ahayd “wadahadalku waa arin Soomaaliyeed cid na dhexgalaysaana ma jirto, gudiga aan u xilsaarnay baana ka hadlaya” ayaa la qaatay oo rabitaankii Somaliland waa la tuuray.

2. In Madaxweyne Muuse Biixi goaankiisii ahaa WAXWALIBA IYAGAA MARKAY BISLAADAAN SIDA MIDHAHA DHULKA ISAGA SOO DHACAYA oo uu iska sugaya intay dhulka ku soo dhacayso, arintan oo ah Somaliland cidi uma maqna.

Waxaa haboon in Madaxweynaha iyo xukuumadiisu gartaan inaan shacabka Somaliland u baahnay mashruuc yar oo NGO meel ka fulinayo, ee muhiimadooda koowaadna ay tahay inay Soomaaliya kala baxaan oo Dawlad la aqoonsan yahay noqdaan, Xukuumadu wixii iska soo dhaca kuma amaanid ee wixii ay qabato bay ku amaanan tahay. SOMALILAND WAXAY MAAMULGOBOLEEDYADA KAGA DUWANAYN SOMALILAND IYO SOOMAALIYA HA WADAHADLEEN.

SOMALILAND SHACABKII WANAAGSANAA EE HOGAAMINTA WAAYEY

CAQLIGA CAARRE SOO XERAYN KARI WAAYEY SOMALILAND MA MIDEYN KARAA? (TARTEENII BAAN EEDNAY)
SAFARKII GINI WUXUU KA XUN YAHAY WEERARKII TUKARAQ, CEEL-AFWEYNA WAA DHUMAY, MEEYEY CAQLIGII SOMALILAND?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here