Maxaa ka guuxaya maanka Dr Abiy Axmed?

ethiopia R AbiyAhmed

Ninka ku guulaystay biladda nabadda ee Nobel Abiy Ahmed ayaa gilgilay Itoobiya tan iyo intii uu rail’sul wasaaraha noqday bishii April sanadkii aanu soo dhaafnay.

Balse maxay yihiin fikradaha hagaya ninkan lagu gudoonsiiyay biladda nabadda ee Nobel magaalada Oslo?

Wariyaha BBC Kalkidan Yibeltal oo ku sugan Addis Ababa ayaa aqriyay buug uu qoray oo uu kaga hadlayo Falsafadiisa.

Ereyga Medemer ayaa dalka Itoobiya ka noqday hal-ku dhig.

Ereygan oo ah af-Amxaari ayaa micnihiisu yahay “wax dheeraad ah “, balse waxaa sidoo kale lagu fasiraa “isu imaanshiiyo “, waana wax uu u arko ra’isul wasaare Abiy in ay tahay qaab gaar ah oo loo wajihi karo dhibaatooyiinka ka jira Itoobiya.

Kumannaan nuqul oo ah buuga uu qoray Dr Abiy ayaa la daabacay waxa uuna buugga ku qoran yahay labada luuqadood ee ugu ballaaran dalkaasi ee Amxaariga iyo Ormada.

Buugga Medemer waxaa lagu daabacay luuqadaha Amxaariga iyo Oromada
Buugga Medemer waxaa lagu daabacay luuqadaha Amxaariga iyo Oromada

Buugan oo ka kooban 16 cutub iyo 280 bog ayaa waxa uu hoosta uga xariiqay aragtidiisa oo uu sheegay in ay ahayd wax uu ku fikiri jiray tan iyo yaraantiisii.

Mr Abiy waxa uu doonayaa in la dardar galiyo midnimo qaran iyada oo ay jirto kala qeybsanaan dhanka qoomiyadaha ah ,balse waxa uu sidoo kale doonayaa in loo dabaal dago kala duwanaashiyahaasi qoomiyadeed.

Guusha uu ka soo hooyo in uu ku dul socdo xarrigan dhuuban ayaana qeexi doona waqtiga uu awoodda hayo.

Muxuu yahay mab’dda ahaan ereyga medemer?

Tan iyo intii uu xafiiska la wareegay, Mr Abiy waxa uu si cad u badalay qaabkii dalka loo xukumi jiray 30-kii sano ee ugu dambeysay.

Waxa uu jabiyay xaaladdii dal laamihiisa ammaanku yihiin kuwa ad-adag waxa uuna dhiiri galiyay furfurnaashiyo dhanka siyaasadda ah .

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxdii isaga ka horeysay ay isku dayeen in ay isticmaalaan oo ay u wajahan kobaca dhaqaalaha qaab wadareed taasina ay guuldareysatay.

“Waxa aan u baahanahay madax-banaani iyo falsafad ka turjumaysa hab dhaqanka Itoobiya taasi oo xallin karta dhibaatadeena islamarkana isku keen xiri karta,” waxa uu sidaasi ku qoray buugiisa Medemer.

Waxa uu ku doodayaa in la tixgaliyo dhaqanka,mabaa’dida,is dhex galka iyo wada shaqaynta.

Dadka dhaliila ayaa sheegaya inkastoo ay tahay mid wanaagsan hadana in aan la soo bandhigin qaabkii ficil ahaan ama loo hagi lahaa loona dhaqangalin lahaa isku duubnaantaasi.

Bishii Abriil, khabiirka lafa gura siyaasadda Hilina Berhanu ayaa sheegay in inkastoo medemer si sahlan loo fahmi karo “uuna xanuun baab’iye “u yahay dhibaatadii hore ee dhacday,hadana uusan lahayn qaabkii dhibaatooyinka mustaqbalka loo wajihi lahaa.

Muxuu ku mutuestay abaalmarinta?

Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ee ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Ahmed uu ku muteystay “nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea”.

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay arrintaa ka ciyaartay Eritrea.

” Nabadda kama timaada hal dhinac oo kali ah. Markii uu Abiy Axmed gacan nabadeed fidiyay, madaxweynaha Eritrea ayaa isagana ka soo jawaabay doorna ka qaatay in heshiis nabadeed oo rasmi ah ay labda dal kala saxiixdaan”.

Ku dhawaaqidii billadda Nobel bishii October waxay Itoobiya ka ahayd war ballaaran
Ku dhawaaqidii billadda Nobel bishii October waxay Itoobiya ka ahayd war ballaaran

Muxuu Abiy u hindisay fikradahan?

Mr Abiy ayaaa bilaabay ka hadalka medemer ka hor inta uusan rai’sul wasaara noqon.

Xilligii uu jagoyiinka sare ka hayay dowladihii hore ayaa waxa uu isticmaali jiray ereygan isaga oo saaxibadii u sheegi jiray muhimadda ay leedahay in fikradaha la isu keeno islamarkana dadka lagu dhiirigaliyo in ay isku duubnaadaan.

Hadda oo uu rai’sul wasaare yahay waxa uu sheegay in medemer lagu daaweyn karo dhibaatooyiinka isku dhacyada qoomiyadaha dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Abiy waxa uu shacabka ugu baaqay in ay isu yimaadaan iyaga oo wadaagaya hal aragti islamarkana aysan dabin u noqon kala qaybsanaanta siyaasada iyo qoomiyadaha.

Haddii aysan taasi dhicin waxa uu ka digay in jiritaanka dalka ay su’aal gali doonto.

Dadku ma ku qanceen?

Bishii Oktoobar,waxaa soo baxday calaamad muujinaysa in qof waliba aysan ka gadmin aragtida Mr Abiy, qaar ka mid ah dibadbaxayaal ayaa gubay nuqullo ka mid ah buugiisa, iyaga oo ku qaaylinayay “medemer ha dhacdo, “.

Dibadbaxayaashaasi ayaa ahaa dhalinyaro Oromo ah, iyaga oo ka baqayay in haddii la hormariyo midnimo qaran in danahooda qoomiyadeed la iska indha tiri karo.

Hoggaanka xisbiga Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF) ayaa waxay ku tilmaameen aragtida rai’sul wasaaraha mid aan kala cadeyn.

TPLF waxay diideen in ay qeyb ka noqdaan xisbiga cusub ee Mr Abiy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here