Waxaa jiray dad badan oo baraha bulshada ku baahiyay in Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys laga tiray shaqada Xaramka, ka dib markii uu “ka hadlay xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil”. Haddaba maxaa ka jiro arrintaas?
Imaamka Kacbada, Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ayaa afartii bishan ka hadlay arrin la xiriirtay suuragalnimada isu soo dhowaansha Carabta iyo Israa’iil.
Hadalkaas waxaa ka dhashay falcelin badan oo sababtay in dadka qaar ee Baraha Bulshada ay baahiyaan in shaqada laga tiray.
Arrinta la xiriirta heshiiska Israa’iil iyo Imaaraatka iyo mowqifka rasmiga ah ee dalalka Carabta, waxa uu kordhiyay cabsida iyo rajada dadka qaar ay ka qabaan in mustaqbalka la arki doono Israa’iil oo galaangal wayn ku yeelata gobolka Carabta, gaar ahaan Khaliijka.
Cabsidaas waxaa laga dareemi karaa baraha ay bulshada ku wada-xiriiraan dadka. Waxaa laga doodayaa waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil, gaar ahaan qadiyadda Falastiiniyiinta iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalalka Carabta.
Haddaba, Maxaa ka jira wararka sheegaya in shaqada laga ceyriyay Sheekh Sudeys?
Waxaa soo baxayay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta baraha bulshada oo si wayn la isula dhexmarayay oo ku saabsan in Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys laga tiray shaqada.
Wararkaas ayaa sheegay in khudabadiisii 4-tii bishan ay sabab u ahayd in maamulka Boqortooyada ayuu qaado tallaabo “shaqa ka saarid ah”.
Balse wararkaasi ma aysan xaqiijinin warbaahinta dalka Sacuudiga iyo sidoo kale maamulka wadankaas. Waxaana lagu tilmaamay kuwo aan sal lahayn oo aysan caddeyn meesha laga soo xigtay.
Haddii aan tusaale u soo qaadano Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudeys, wuxuu 48-kii saacadood ee ugu dambeeysay uu watay howlihiisa uu ka hayo Xaramlka.
Sida lagu daabacay bogga Facebook Xaramka, sheekh Sudeys ayaa shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 15 bisha September, kormeer ku sameeyay qeybta biyaha Zamzamka ee lagu shubay dhalooyiin si loogu qeybiyo dadka Xaramka ku sugan.
Wuxuu gaar ahaan u kuur galayay sidii loo ilaalin lahaa nadaafadda maadaama uu caalamka imika ka jiro fayraska Corona.
Waxaa sidoo kale 7 saacadood ka hor uu goob joog ka ahaa oo uu kormeeray goob la dhigay qalab loogu talagalay xaaladaha degdegga ah oo laga sameey ilinka laga galo Xaramka.
Sidoo kale, 9-kii bishan, waxaa bogga rasmiga ah ee Al-Xaramayn lagu qoray in “dad yar ay si micno la’aan ah u fasireen khudbadii Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys”.
“Waxay baahiyeen muuqaal kooban iyagoo muujinaya aragti ah in Khadhiibka sharafta leh uu riixayo in la soo celiyo xiriirka dalalka qaar ee dhanka siyaasadda”.
Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay: “Khadhiibka wuxuu ka hadlay in ay wanaagsan tahay xiriir fiican oo dhexmara dadka diimaha kala duwan iyo xufaladii uu Nabdi Maxamed (NNKH) la lahaa Yahuudii ku noolayd Madinah.
“Iyo sidoo kale in la joogteeyo wanaagga uu Islaamka faray ee quluubta dadka kale ku hoggaamisa in diinta Islaamka ay aqbalaan”, ayaa ku xusan warbixinta bogga Al-Xaramayn.
Sheekh Cabdiraxmaan Sudays ayaa si caadi ah u sii watay shaqada Imaanka oo mararka qaar wuxuu tujinayay salaadaha, sida ka muuqata muuqaallada bogaggaas lagu daabacay.
Taas waxay meesha ka saareysaa arrinta ah in Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudays laga joojiyay howsha uu ka hayo labada Masjid ee barakeysan ee Kacbada iyo Nabawi.
Khudbadda Sudeys
Maalma ka hor, dadka baraha bulshada ay ku wada xiriiro ayaa waxa ay isla dhexmarayeen muuqaalka khadhiibka Xaramka Makah, Cabduraxmaan Sudeys.
Gaar ahaan dadka Twitterka isticmaala kuwaas oo soo qaadanayay muuqaallo ay ka soo gooyeen khudbaddii Jimcaha ee uu Sudays jeediyay, halkaas oo ay dadku isku dhaafsanayaan fahankooda ku aaddan “Al-walaa’ wal baraa – الولاء والبراء” iyo xiriirkii uu nebi Muxamed CWS la lahaa Yuhuudda.
Sudays ayaa yiri, sida ku cad muuqaalka la soo jaray: “Waxaa ka mid ah digniinaha muhiimka ah ee masaa’isha caqiidada in dadku aanay fahan dhab ah ka haysan mowduuca “Al-walaa’ wal baraa – الولاء والبراء” iyadoo dadku ay isku khaldaan iimaanka qalbiga iyo in lagu dhaqmo wanaag markii ay timaado xiriirka ka dhaxeeya shakhsiga iyo dowladaha”.
Ka hor inta uusan khadhiibku khudbada ku dhammayn duco uu u duceeyay Falastiiniyiinta, ayaa waxa uu soo qaatay xadiis-ka ah “Caqiidada dhabta ah iyo in la adeeco imaamka [hogaamiyaha] si ka duwan waxa uu ku tilmaamay “khawaarijta xadgudbay iyo axsaabta baadiyaysan iyo kooxaha xagjirka ah ee hubaysa”.
Khudbadda ayaa waxa ay kicisay dood kulul, oo qaar ka mid ah dadka Twitterka isticmaala iyo siyaasiyiinta Carabta, waxa ay hadalka imaamka ku fasireen uu gogol xaar u yahay in dhawaan dib loo soo celin doono xiriirka Sucuudiga iyo Israa’iil.
Taariikh kooban
Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys wuxuu ku dhashay magaalada Qaassim ee dalka Sacuudiga sanadkii 1961-dii. Wuxuu waxbarashadiisa ka bilaabay magaalada Riyaadh, wuxuu Qur’aanka Kariimka xifdiyay isaga oo 12 jir ah.
Sudeys wuxuu ka qalin jebiyay kuliyadda shareecada ee jaamacadda Umul Qura sanadkii 1982-dii, wuxuu cilmiga shareecada ka qaatay shahaadada PHD sanadkii 1995-tii.
Waxaana loo magacaabay imaamka masjid Al Xarmeyn sanadkii 1984, isaga oo 22 jir ahaa. Sheekha waxaa uu kamid yahay macalimiinta sare ee wax ka dhiga jaamacadda Umul Quraa.
Sanadkii 2012-kii, waxaa loo magacaabay madaxa guud ee qaabilsan arimaha Xarameynka (Misaajidka nebiga iyo xaramka) kaddib dikreeto kasoo baxday boqorkii Sucuudiga.
Boqor Salmaan ayaa 2016-kii u xilsaaray in uu noqdo khadiibka Xaramka.
Sanadkan 2020-ka, Sudeys waxaa mar kale loo magacaabay madaxa guud ee xarameynka muddo 4 sano ah.