Maxaa kasoo baxay kulankii wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya?

cawad iyo Raychelle Omamo

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku kulmay wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Ahmed Ciise Cawad iyo Raychelle Omamo, iyagoo sii amba qaaday wadahadalkii khadka taleefanka ee madaxweynayaasha labada dal.

Labada wasiir oo kulanka ay ku wehliyeen diblomaasiyiin ka kala socday labada dal, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal oo waayihii dambe madmadow uu soo kala dhex galay, waxayna wararka aan ka heleyno kulankaas ay sheegayaan in diiradda lagu saaray arrimaha ka jira xadka iyo sidii labada dal u hagaajin lahaayeen xiriirkooda, inta laga gaaraayo xal waara.

Sidoo kale kulanka labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa looga hadlay sidii loogu gogol xaari lahaa safar Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo lagu wado in maalmaha nasoo aadan uu ku tago magaalada Nairobi.

Kulankaas ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray ajendayaasha shir lagu wado in ay Nairobi ku yeeshaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, in kastoo aan weli la shaacin waqtiga rasmiga ah ee madaxweyne Farmaajo uu tegayo Nairobi.

Qoraal kooban oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri, “Markii aan sii ambaqaado wadahadalkii khadka taleefanka ee u dhaxeeyay Madaxweyneheena Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaan kula kulmay Nairobi wasiirka arimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo. Waxaan yeelannay wadahadallo dheer oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo amniga xuduudahaa”.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa Madaxweyne Farmaajo martiqaad uga keenay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta, taas oo la sheegay in uu aqbalay Farmaajo, isla markaana maalmaha soo socda uu u safri doono Kenya, si Uhuru ay uga wada xaajoodaan xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo maalmo ka hor ka hadlay xiisadda labada dal ayaa sheegay in wadahadallo hor dhac ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada lagu balamay in xiisadda la qaboojiyo, labada Madaxweynana ay si dhab ah uga wada hadlaan arimaha dhex yaal.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan booqan doono dalka Kenya, isla markaana qabanqaabada safarkaas hada laga shaqeynayo.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaaday todobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo dowladda Soomaaliya ku eedeysay Kenya in ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, halka dowladda Kenyana ay iska fogeysay eedeynta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here