Maxaa la gudboon dadkii la kulmay Wasiirka COVID 19 laga helay iyo weftigii la socday

baashe koore c baashe

Waxaa xanuunka faafa ee COVID-19 laga helay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali oo isaga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Faratoon ay in mudo ah howlo nabadeyn ah u joogeen Gobolka Sool.

Wasiirka oo la sheegay inuu in mudo ahba cabanayey wuxuu kulamo la yeeshay ama ka qayb galay shirar farabadan, kuwaas oo aanay jirin qalabka laysaga difaaco xanuunkan faafa.

Maxaa la guboon dadkii Wasiirka Xanuunka laga helay?

Dhamaan dadkii xiriirka ama kulmada la sameeyey Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali waxaa ku waajiba:

Inay si deg dega isu baaraan.

In cidii awoodaa ay dadka iska xirto ama gurigeeda joogto.

Inay qaataan qalabka gafuurka iyo gacmaha lagu xirto si haddii uu xanuunku jirkooda ku jiro aanay dadka ugu sii gudbin.

In uu dadka ka fogaado inta lagu jiro mudada xanuunku ku soo baxo.

Sidoo kale waxaa waajiba in Wasaarada Caafimaadka Somaliland ay karatiin iyo ilaalin ku sameyso dhamaan weftigii wasiirka la socday oo uu ugu horeeyo Wasiirka ArimaVa Dibadda Somaliland iyo xubno kale oo badan oo iminka qaar badani hargeysa dib ugu laabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here