Cilmi-baadhayaal ayaa sheegay in dunida aysan isu diyaarinin taranka hoos u dhacay, taasoo bulshooyinka saameyn u geysaneysa.
Taranka oo yaraada dabyaaqada qarnigan waxay dalal badan ku keeni doontaa tirada dadka waddamadaasi ku nool oo yaraata.
23 dal oo ay ka mid yihiin Spain iyo Japan ayaa la filayaa in marka la gaaro 2100-ka ay tirada dadka waddamadaasi ku nool kala badh hoos u dhacdo.
Waddamo badanna waxaa ku soo badan doona dadka da’da ah ee 80 jirsada maadama ay dhaslashadu ku yartahay.
Maxaa socda?
Celcelis ahaan haweenka ilmaha dhalya ayaa si aad ah hoos ugu dhacay.
Haddii uu hoos u dhaca taranku ka hoos maro 2.1, waxay keeneysaa inay tirada dadka si aad ah hoos ugu dhacdo.
1950-kii, dumarku celcelis ahaan waxay dhali jireen 4.1 ilmood.
Cilmi-baadhayaal ka tirsan waaxda caafimaadka ee Jaamacadda Washington ayaa sheegay in heerka taranka ama dhalmada dunida uu kalabadh hoos u dhacay sanaddi 2014-kii, markaasoo uu garay 2.4. Daraasaddooda oo lagu daabacay wargeyska Lancet ayey ku sheegeen in dhalmada ay hoos ugu sii dhici doonto 1.2, marka la gaaro sanadka 2100-ka.
Natiijada ahaan, cilmi-baadhayaashu waxay daraasaddooda ku sheegeen in tirada dadka ku nool dunida ay aad sare ugu kici doonto 9.7 bilyan oo qof sanadka 2064-ka, laakiin ay mar kale hoos ugu dhici doonto 8.8 bilyan marka uu qarniga sii dhammaanayo.
“Taasi waa mid aad u qurux badan, dunida inteeda badan tirada dadka waxay hoos ugu dhaceysaa si dabiici ah,” ayuu yiri barafasoor Christopher Murray, oo BBC-da u warramay.
“Taasi waa wax weyn oo qurux badan; adduunka intiisa badan wuxuu u gudbayaa hoos u dhaca tirada dabiiciga ah ee dadka.”
“Waxaan u maleynayaa iney adag tahay inaan ka fakarno, isla-markaana aan fahanno sida ay arrintan qeyrul-caadi u tahay”. Ayuu yiri.
Waa maxay sababta uu heerka taranka hoos ugu dhacay?
Arrinta lama xiriirto awoodda shahwada iyo waxyaabaha caadiga ah ee maskaxdeenna kusoo dhaca marka aan ka sheekeysaneyno taranka dadka.
Balse sababtu waa in dumar badan ay waxbarasho ku jiraan ama shaqeeyaan iyo in ay sahlanaatay sida lagu helo dawooyinka uurka ka hortaga, taasoo horseedday in haween badan ay go’aansadaan inay carruur yar dhalaan.
Siyaabo badan marka loo eego, hoos u dhaca tarnaka ayaa ah guul soo hoyatay sida ay cilma-baarayaashu sheegeen.
Waa kuwee waddamada ay inta badan arrintan saameyneyso?
Tirada shacabka dalka Japan ayaa la saadaaliyey inay hoos uga dhici doonaan 128 milyan oo ay gaareen sanadkii 2017-kii ayna dhammaadka qarniga noqdaan 53 milyan oo kaliya.
Dalka talyaanigana waxaa sidoo kale la filayaa inay tirada haatan ah 61 malyan noqon doonto 28 malyan dabayaaqada qarnigan.
Waxay labadaas dal ku jiraan 23 waddan – oo xitaa ay ka mid yihiin Spain, Portugal, Thailand iyo Kuuriyada Koonfureed – oo la filayo inay usoo haraan kalabar ka mid ah shacabkooda.
“Kaasi waa hoos u dhac baaxad leh,” ayuu yiri Barfasoor Christopher Murray.
Dalka Shiinaha oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan dunida, ayaa la filayaa in afar sano gudahood ay shacabkiisu ku gaaraan tiradii ugu badneyd oo ah 1.4 bilyan oo ruux, laakiin waxay hoos ugu dhici doonaan ku dhawaad kalabadh, iyagoo noqon doona 732 milyan marka la gaaro 2100-ka. Hindiya ayaa gali doonta booska waddanka ugu dadka badan caalamka.
Dalka UK ayaa la saadaaliyay in tirada dadkiisu ay 75 milyan gaari doonaan sanadka 2063-ka, balse ay hoos ugu dhici doonaan 71 milyan marka la gaaro 2100-ka.
Hase yeeshee, arrintan ayaa dhab ahaantii noqon doonta mid caalamka saameysa, iyadoo 183 waddan oo ka mid ah 195-ta dal ee caalamka ay tirada dadka kusoo kordhaya yaraan doonaan islamarkaana aysan la ekaan doonin kuwii ay baddali lahaayeen.
Maxay tani dhibaato u tahay?
Waxaad u maleyn kartaa in arrintani ay u fiican tahay deegaanka. Tirada dadka oo yar waxay ka dhigan tahay in uu hoos u dhacayo xaddiga hawada wasakheysan iyo waliba in ay yaraato xaalufinta dhirta.
“Saadaashan waa mid run ah, waxaana dunida ku badanaya dadka da’da ah marka loo eego tirada dadka da’da yar ee dunida ku nool, arrimahaasi oo dhanna waxay cawaaqib xumo ku keenayaan qaab dhismeedka da’da dadka,” ayuu yiri Barafasoor Murray.
Daraasaddu waxay muujineysaa in:
- Tirada dadka ay da’dooda ka hooseyso 5 jir ay hoos uga dhici doonaan 681 milyan oo ay ahaayeen sanadkii 2017-kii, iyagoo noqon doona 401 milyan marka la gaaro 2100-ka.
- Tirada dadka ay da’dooda ka sarreyso 80 jir ay sare uga kici doonto 141 milyan oo ay ahaayeen sanadkii 2017-kii, ayna noqon doonaan 866 milyan marka la gaaro sanadka 2100-ka.
Barfasoor Murray wuxuu yiri: “Waxaa dhici doona isbaddal dhinaca bulshada ah oo aad u baaxad weyn. Walwal ayaan dareemayaa sababtoo ah waxaan heystaa gabar siddeed jir ah waxaana ka fikirayaa sida uu adduunka noqon doono.”
Yaa bixin doona canshuur marka ay adduunka ku bataan dad waayeel ah? Yaa bixin doona kharashka caafimaadka ee dadka da’da ah? Yaa xannaaneyn doona waayeelka? Dadka ma u suurtagali doontaa inay shaqooyinka howlgab ka noqdaan?
“Waxaan u baahan nahay inaan helno xaalad sidan ka duwan.” Ayuu yiri Barfasoor Murray.
Wax xal ah ma jiraa?
Waddamada qaar, sidaUK, ayaa waxay xal ahaan u isticmaaleen iney dadka soo galootiga ah qaabilaan si ay u yareeyaan farqiga ku imaanaya tirada maadaama uu yaraaday taranka dalkaasi.
Hase yeeshee, tani xal ma sii ahaan karto marka uu waddan kasta oo caalamka ka mid ah tarankiisa yaraado.
“Waan ka gudbi doonnaa xilliga aan go’aan ka gaari karno inaan xuduudaha furno iyo in kale, si markaas aan ugu baxsanno qaxootiga, sababtoo ah waxaa jiri doona waqti aysan taasi nagu filnaan doonin,” ayuu yiri Barfasoor Murray.
Waddamada qaar waxay qaateen go’aanno siyasadeed oo wax looga qabanayo arrimaha taranka, fasaxyada dhalmada la xiriira, daryeelka carruurta ee bilaashka ah, dhiirrigelin dhaqaale iyo xuquuqo kale oo intaa dheer oo shaqaaluhu leeyihiin, blse arrimahaasi oo dhan ma ah xal waari kara.
Dalka Sweden waxaa u suurtagashay in taranka dadkiisa oo horay u ahaa 1.7 uu gaarsiiyo 1.9, balse waddamada kale ma aysan qaadin tallaabbooyin la taaban karo oo ay taranka wax uga qaban karaan.
Dalka Singapore heerka taranka wuxuu marayaa 1.3.
“Waxaan la kulmay dad badan oo arrintan ku qoslaya, mana aaminsana inay arrintan run tahay, waxay ku fakaraan inay dumarka go’aansadaan inay carruur badan dhalaan.”
“Haddii aan la raadinin xal rasmi ah waxaa qarniyada soo socda dhici doonta inay dadyow badan oo dunidan ku nool baaba’aan.”
Cilmi baadhayaashu waxay ka digayaan inay dib-u-dhac ku sameeyaan horumarka waxbarashada haweenka iyo helitaanka dawooyinka ka hortagga uurka.
Afrika xaalkeedu waa sidee?
Dadka ku nool waddamada saxaraha ka hooseeya ee qaaradda Afrika ayaa la filaya in marka la gaaro 2100 ay saddex jibbaarmaan.
Daraasaddu waxaa kale oo ay sheegeysaa in dalka Nigeria uu noqon doono waddanka labaad ee dunida ugu dadka badan, iyada oo tirada shacabkiisu ay gaari doonto 791 milyan.
“Dalal badan waxaan ku yeelan doonnaa dad badan oo asalkoodu Afrikaan yahay markaan guda galno xilligaas.” Ayuu yiri Barafasor Murray.
Maxay khubaradu leeyihiin dhankooda?
Barafasoor Ibraahim abuubakar oo ka tirsan Jaamacadda London ayaa yiri: “Xitaa haddii saadaasha uu kala bar ka hirgalo, soo galootiga ayaa xal u noqon doona waddamada dunida oo dhan, mana noqon doonaan mid marki loo baahdo laga wardoono.
“Si aan arrimahaasi oo dhan ugu guuleysanno waxaan u baahan nahay inaan dib uga fakarno sidii isbaddal loogu sameyn lahaa hannaanka dunida.”
“Waxa ay soo kordhin doonto da’da dadka shaqeynaya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doonta.