Maxaa Soomaalida loogu cunsuriyeeyaa cudurka Coronavirus?

coronavirus3

Dalka Sweden oo ka mid ah qaaradda Yurub ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka uu aafeeyay feyriska Corona.

Sweden dadka cudurka Covid-19 ugu dhintay waxaa ka mid ahaa Soomaali badan.

In dad badan oo Soomaali ah uu cudurka soo ritay ayaa waxa ay keentay in dadka qaar ay Soomaalida faquuqaan.

Sida ay BBC u sheegeen qaar ka mid ah dadka degan Sweden tan iyo intii uu cudurka Corona bilaabmay islamarkana Soomaali badan uu haleelay waxa ay bulshada Soomaalida la kulmaan takoor iyo hadalo aflagaado ah.

Maxaa ka mid ah faquuqa Soomaalida ay la kulmaan?

Kaahin Axmed oo ah siyaasi ku sugan dalka Sweden ayaa waxa uu sheegay in markii uu akhriyay qaar ka mid ah wargeysyada iyo baraha ay internetka ku leeyihiin dad “Cunsuriyiin” ay ku faraxsan yihiin dhibaatada Soomaalida ka soo gaartay Corona.

“Waxaa dhacday in dadka cusuriyiinta meel kasta ha joogaane ay aflagaado aan loo kala harin kala dul dhaceen soomaalida, ” ayuu yiri Mr Kaahin

Waxaa uu kaahin intaa ku daray in koox dhalinyaro ah oo la baxday iska caabinta wuqooyiga bar internet-ka ay ku leeyihiin ay ku soo qoreen “inay soo dhaweynayaan Carona maadama uu Soomalai badan dilay”.

” Waa cid aan loo ooyeeyn hadey dhamaadaan haddii ay dhamaadaan waan ku faraxsanahay, ” ayuu yiri Mr Kahin.

Kaahin Axmed dhanka kale sheegay in qaar ka mid ah dadka “Cunsuriyiinta” ay faaido u arkaan in Soomaalida joogta Sweden ay dhamaadaan.

“Waa arrin wanaagsan oo faa’ido ugu jirto dalka Sweden si la mid marka ay shirkadaha inta ay maalgalin sameeyaan oo ay faa’idaan, dadka dhimanaya ayaa waxay ka dhigeen wax lacag laga helayo, ” ayuu yiri Mr Kaahin.

Kaahin Axmed oo ah siyaasi ku sugan dalka Sweden ayaa farta ku fiiqay in dadka Cunsuriyiinta qaarkood ayba u arkaan in feyriska Corona loo soo diray in uu laayo Afrikanka iyo Muslimiinta.

“Waxay dhaheen feyriska Shiinaha nooga yimid waa feyris hadyad ah oo soo maray xudduudo badan kaasi oo noogu yimid in Afrikanka iyo Musliminta Laayo waana soo dhaweynaynaa, ” ayuu intaa ku dara Mr Kaahin.

Faadumo daahir waxay ka tirsan tahay urur u dooda haweenka gaar ahaan qowmiyadaha laga tirada badan waxa ayna dhankeeda sheegtay tan iyo intii u Corona soo baxay Soomaalida Sweden faquuq badan lagula kacay.

” Umaddeena Soomaaliyeed oo aad loogu dhaleeceynayo joornaaladii iyo TV-yada oo la leeyahay Soomaali badan ayaa u dhimatay , maxay Soomaalida ugu badan tahay, ” ayay tiri Faadumo.

Faadumo ayaa intaa ku dartay in dacaayad suuqa u gashay ay tahay In Soomaalida ay u badan tahay dadka Corona ugu dhintay dalka Swedan.

“Ma aha xaqiiq in Soomaalida ay ugu badan tahay oo umad badan ayaa u dhimatay Corona kuwaasi oo Sweden ku dhashay ama ajnabi ah, soomaali kali ah kuma dhiman laakiin waa wax suuqa noo galay, ” ayay intaa ku dartay.

Maxaa keenay in Soomaalida badan uu soo rito Corona?

Dalka Sweden waxaa cudurka Corona ilaa iyo iminka uu soo ritay 26,670 oo qof.

Waxaa dalkaasi ilaa iyo imika ugu dhintay dad ay tiradooda gaarayso 3,256 qof, halka ay ka bogsadeen 4,971.

Hadaba Soomaalida ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin qowmiyadaha dadka badan uu cudurka soo ritay iyo kuwa u dhintay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in sababtu ay tahay Soomaalida oo aan dhag u dhigin talooyiinka ay bixinayaan khubarada caafimaadka.

Balse Kaahin Axmed oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ee dalka Sweden ayaa qaba fikir kaa ka duwan oo waxa uu rumaysan yahay in Soomaalida aan wacyigalinta la soo gaarsiin xilligii loo baahnaa.

“Markii uu Sweden soo galay Corona khubaradu waxay sheegeen in dhibaatadii ka dhacday Shiinaha aan si dhab ah loo qaadan, ” ayuu yiri.

“Markii uu dalka soo galay meelaha ay Soomaalida degan yihiin ama qaxootiga ku yihiin warkii si degdeg ah looma soo gaarsiin taasi waxa soo qoray jar’aaidka oo yiri labo toddobaad ka dib la soo gaarsiiyay meelaha ay qaxootiga degan yihiin taasi ayaa keentay in dadka Soomaalida uu cudurkan gaado, ” ayuu yiri intaa ku daray Mr Kaahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here