Maxaad ka taqaanaa Garaadka Guud ee Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC)

garaad jama gcali

Burburkii Soomaalida ku dhacay dhinac walba waa ka saameeyey oo ma jirto qayb ka badbaaday aafadaas dhacday, iyadoo bililiqaysiga, caagleysiga iyo ku habsigu uu saameeyey Isamaddii iyo Madax-dhaqameedkii.

Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ka mid yihiin degaamada ugu badan ee Isimadda Caaglaha ama ku habsiga laga sameeyey. Balse Goboladaasi waxay leeyihiin Garaad Guud oo soo jireen ah, kaas oo ah Garaad Jaamac Garaad Cali oo aabihiis ahaa ragii qaybta libaax ka qaatay dhismihii Soomaliweyn 1960, isagoo ka mid ahaa Wasiiradii iyo xildhibaanadii ugu horeeyey ee Soomaali xor ahi yeelato.

Dhamaan Isimadda kale ee sheegta Goboladda SSC waa caagleyaal maamulo ama dad gaar ah u shaqeeya mushahar qaata, haddaad maqasho Isim aan Garaad Jaamac Garaad Cali ahayn oo sheegana Garaadka Guud ee Laascaanood, Gobolka Sool ama degaanada SSC, waa Isim caagle ah oo bililiqaysanaya saldanadii guud ee Goboladaas.

Tan iyo maalintii la caleemo saaray Garaad Jaamac Garaad Cali maamulna uma qaraab tegin, wuxuuna ku dheganaa midnimadda Soomaaliya, taasoo muujinaysa dadnimadiisa iyo qadiyadiisa ama tixgelin rabitaanka shacabkiisa.

Markii la soo doogo taariikhda ayaa qori doonta Isimkii daaq tegay ee dhuuni raaca noqday ama taageeray xumaan iyo tacadiyo dadkiisa iyo degaankiisa lagu waxyeelaynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here