Maxaad ka taqaanaa magaalooyinka ugu qaalisan iyo kuwa ugu raqiisan ee adduunka?

tel aviv israel

Tel Aviv ayaa loo magacaabay in ay tahay magaalada ugu qaalisan adduunka in lagu noolaado, iyada oo sicir bararka cirka isku sii shareeraya iyo dhibaatooyinka la xiidhiidha dhanka isgaadhsiinta badeecada ee dunida ay kor u kiciyeen qiimihii.

Magaaladan Israel ku taal ayaa markii ugu horeysay kaalinta koowaad ka gashay sahan ay sameeyeen Unugga Sirdoonka Dhaqaalaha (EIU), iyagoo ka soo kacay kaalinta shanaad sannadkii hore waxayna ku riixeen Paris inay la wadaagto Singapore kaalinta labaad.

Dimishiq, oo ku taal dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Suuriya, ayaa sii xajisatay booskeeda oo ah tan ugu jaban adduunka.

Sahanku wuxuu isbarbar dhigayaa qiimaha doollarka Mareykanka ee badeecadaha iyo adeegyada ay bixiyaan 173 magaalo.

EIU waxay sheegtay in xogta ay uruurisay bilihii Ogosto iyo Sebtembar ay muujisay in celcelis ahaan qiimuhu kor u kacay 3.5% marka loo eego lacagta gudaha – sicir bararka ugu dhaqsaha badan ee la diiwaan geliyo shantii sano ee la soo dhaafay.

Gaadiidka iyo waxa khuseeya ayaa lagu arkay qiimaha ugu badan ee kor u kaca, iyadoo qiimaha halkii litir ee shidaalka ah uu kor u kacay 21% celcelis ahaan magaalooyinka la darsay.

Tiigsashada Tel Aviv ee halka ugu saraysa ee EIU ee Qiimaynta Qiimaha Nolosha Adduunka ayaa inta badan ka tarjumaysa qiimaha sare u kaca ee lacagta Israa’iil, ee lagu magacaabo Shekel, marka loo eego dollarka. Qiimaha gudaha ee ku dhawaad ​​10% ee badeecadaha ayaa sidoo kale aad u kordhay, gaar ahaan kuwa raashinka.

Sahankan ayaa lagu ogaaday in Tel Aviv ay tahay magaalada labaad ee ugu qaalisan dhanka khamriga iyo gaadiidka dadweynaha, halka shanaad ay ka tahay alaabta daryeelka shakhsi ahaaneed, iyo lixaad ee dhanka madadaalada.

Duqa magaalada Tel Aviv, Ron Huldai, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Haaretz uga digay in sare u kaca qiimaha hantida – oo aan lagu darin xisaabinta EIU – ay la macno tahay in magaaladu ay ku sii jeeddo “xaalad qarax oo kale ah”.

“Tel Aviv waxay noqon doontaa mid aad qaali u ah, sida dalka oo dhan uu u sii qaaliyoobayo,” ayuu yidhi.

“Dhibaatada aasaasiga ah ayaa ah in Israa’iil aysan ka jirin xarun kale oo magaalo weyn ah, Maraykanka, waxaa ku yaal New York, Chicago, Miami iyo wixii la mid ah. Britain, waxaa jira Greater London, Manchester iyo Liverpool, halkaas waxaad u guuri kartaa magaalo kale. haddii qiimaha maciishada uu aad u culus yahay.”

Sannadkii hore, Paris, Zurich iyo Hong Kong waxay wadaageen kaalinta koowaad ee sahanka EIU. Zurich iyo Hong Kong ayaa sanadkan galay kaalinta afaraad iyo shanaad, waxaana ku xiga New York, Geneva, Copenhagen, Los Angeles iyo Osaka.

Tehran ayaa kor u kacday heerka ugu sarreeya, iyada oo ka soo booday 79th ilaa ay timi 29th, iyada oo cunaqabataynta dhaqaale ee Maraykanku ay sii waday inay sababto gabaabsi badeecado ah iyo kor u kaca qiimaha wax soo dejinta ee Iran.

EIU waxay sheegtay in sicir bararka yimi uu qayb ka yahay isbeddellada uu keenay cudurka faafa ee coronavirus.

“In kasta oo inta badan dhaqaalaha uu hadda soo kabanayo markii la soo saaray tallaalka Covid-19, magaalooyinka waaweyn ee adduunka ayaa wali la kulmaya kor u kac joogto ah oo kiisas cusub ah, taas oo keentay xannibaado bulsheed oo soo cusboonaaday. Magaalooyin badan tani waxay carqaladaysay saadka badeecadaha, taasoo keentay gabaabsi iyo qiimo sare oo wax lagu kala. “

Waxay warbixintu intaas ku dartay: “Isbeddelka baahida macaamiisha waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay caadooyinka wax iibsiga, halka kalsoonida maalgashadayaasha ay saameysay lacagaha,Taas oo iyana sii kordhisay sicirkii”

EIU waxa ay sheegtay in la filayo in qiimaha uu u kaco ilaa dhexdhexaad sanadka soo socda iyada oo bangiyada dhexe ay si taxadar leh u kordhiyeen heerka ribada si ay u joojiyaan sicir bararka.

Shanta magaalo ee ugu qaalisan

  • 1 Tel Aviv
  • 2 Paris and Singapore in joint place
  • 3 Zurich
  • 4 Hong Kong

Shanta magaalo ee ugu jaban

  • 1 Damascus
  • 2 Tripoli
  • 3 Tashkent
  • 4 Tunis
  • 5 Almaty

Source: EIU’s World Cost of Living index

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here