Maxaad kala socotaa MUSHARAXNIMADDA M SICIID DENI iyo rajadda guushiisa

musharaxiinta m iyo wareega 1aad

Waxaa kaalin gebagebo ah maraya doorashada xubnaha Baarlamaanka Aqalka Hoose ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu guda jiraa soo xulista 30 kii xubnood ee ugu dambeeyey.

Waxaa si dhakhso ah u bilaaban doona, hadalhaynta iyo odoraska guusha musharaxiinta u tartami doona Gudoonka Goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, iyadoo ilaa laga gaarayo maalinta doorashadu dhacayso uu Musharax kastaa sheegto inuu haysto taageeradda ugu badan ee Xildhibaanada labada Aqal, balse sanduuqa codbixinta ayaa lagu kala haraa oo qofkasta taagtiisa iyo runta u sheega.

Inta badan Odoroska iyo male’awaalka guusha ayaa waxaa cabir looga dhigaa taageerada uu musharaxu ka heli karo Dowlad Goboleedyada kala duwan, waxqabadkiisii, Xildhibaanada uu maalgashaday ee uu la soo baxay iyo dhaqaalaha uu haysto ee uu doorashada u adeegsanayo, weli lama gaarin doorasho xaq oo xalaal ah.

Inkastoo dadbadani caadeysteen inay sheegtaan musharaxiin, haddana waxaa si rasmi ah musharaxnimadiisa u cadeeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni.

ODOROSKA IYO RAJADDA GUUSHA SICIID DENI:

Marka la qiimeeyo sida doorkan Xildhibaanada loo doortay iyo awooda balaaran ee Dowlad Goboleedyadu ku lahaayeen, oo lagu daro hadalhaynta iyo shakiga soo xoogeysanaya ee sheegaya in Kuraastii GARBAHAARAY EE GOBOLKA GEDO doorashadooda loo wareejinayo Degmadda Ceelwaaq, sidoo kale taageeradda uu M Siciid Deni ka helayo Puntland iyo Jubbaland oo 99 Xildhibaan ku leh labada Aqal ee Federaalka, oo lagu daro awooda dhaqaale ee uu u leeyahay inuu kasbado taageeradda ugu yaraan ilaa 40 Xildhibaan oo degaamada kale ka soo jeeda, Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni wuxuu u muuqdaa inuu hananayo kaalinta 1aad ee rajadda guusha Madaxtooyadda Soomaaliya ee wareega kowaad ee isreeb reebka doorashada, wuxuuna haystaa fursadii ugu fiicnayd ee nin siyaasi ahi isku sharaxo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haddii Xildhibaanadda Gedo lagaga adkaado, wareega kowaad ee doorashada wuxuu ku soo dhacayaa kaalinta 2aad, halka Madaxweyne hore Shiikh shariif Shiikh Axmedna laysku raacsan yahay inuu xaqiijinayo ugu hooseyn kaalinta 3aad, wareega kowaad.

Qiimeyntani waa odoros iyo male’awaal ku saleysan sida maanta xaalada doorashadu u socoto iyo ifafaalaha soo muuqanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here