MAXAAD KALA SOCOTAA XUBNAHA U HANQALTAAGAYA GUDOOMIYAHA AQALKA SARE EE SOOMAALIYA?

aqalka sare soomaaliya

Tan markii ay soo gebageboobeen doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa soo ifbaxayey hadal haynta Xubnaha hunguriga iyo hanku kaga jiro inay isu sharaxaan Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Illaa hadda waxaa hadal hayntoodu suuqyada siyaasada ku soo badanaysaa 4 xubnood oo ka soo jeeda Somaliland, 3 nin iyo 1 Gabadh, kuwaas oo kala ah

  1. Senator Abdi Hashi Abdullahi.
  2. Senator Salah Ahmed Jaamac.
  3. Senator Osman Abukar Dubbe.
  4. Senator Naciima Xasan Xaaji Maxamuud.

Sadexda Nin oo uu ugu horeeyo gudoomiyihii hore oo dad badani aaminsan yihiin inuu odayoobay oo aanu golaha sii hogaaminta karin, ayaa waxay kala taageersan yihiin garabyada siyaasadda Soomaaliya isku haya, ee xurgufta siyaasadeed ka dhexayso, sidoo kale waxay mudo ku soo dhex jireen goleyaashii iyo siyaasadii daneysiga ahayd ee Soomaaliya ka jirtay, taasoo sababtay inay yeeshaan cadowyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, halka gabadha SENATOR NACIIMA XASAN XAAJI MAXAMUUD oo DEGAANKA BERBERA ka soo jeeda ay tahay xubin madaxbanaan, dhexdhexaada oo aan garabna taageersanayn, golahana way ku cusub tahay.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya, in dumarnimaddu ay caqabad ku noqonayso musharaxnimada SENATOR NACIIMA, dhanka kale waxgarad, siyaasiyiin iyo Senatoro badan oo golaha ka tirsan waxay aaminsan yihiin in Haweenimadeeda, dhexdhexaadnimadeeda, isbedel iyo weji cusub oo Aqalka Sare looga baahan yahay, ay horseedayso guusha SENATOR NACIIMA.

Sikasta, haddii SENATOR NACIIMA ay ku adkaysato musharaximadeeda oo ay codka siiyaan Haweenka Golaha ku jira iyo xubno badan oo golaha la doonaya gudoon dhexdhexaada oo loo siman yahay, garabna u janjeerin, waxaa xaqiiqoobaya Guusha iyo gudoomiyenimada S NACIIMA, waxay noqonaysaa isbedel lama filaan ah oo muujinaya bisaylka xubnaha Golaha, sidoo kale waxayna noqonaysaa markii ugu horeeysay ee mid ka mida labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay gabadhi hogaamiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here