Maxamed Bin Salmaan: Waan qaatay mas’uuliyadda dilka Jamaal Khaashuqji

mohamed bin salmaan

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa ka digay in qiimaha lagu kala iibsado shidaalka adduunka uu sare u kacayo waa haddii dunida ay tallaabo ka qaadi weyso xukuumadda Iiraan.

Maxamed Bin Salmaan wuxuu sheegay in dagaalka dhexeeyo Iiraan iyo Sucuudiga uu burburin doono dhaqaalaha caalamka kaddib weerarkii labo toddobaad ka hor lagu qaaday xarumihii shidaalka ee Sucuudiga.

“Haddii dunida ay tallaabo adag ka qaadi weyso Iiraan, waxaan arki doonaa dhibaatooyin halis ku ah danaha dunida” ayuu yiri Maxamed Bin Salmaan.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta CBS, wuxuu sheegay in uu dusha saaranayo mas’uliyadda dilkii loo geeystay weriyihii reer Sucuudi, Jamaal Khaashuqji.

“Haddii aan ahay hogaamiyaha Sucuudiga, waxaan qaatay mas’uuliyadda dilkii Kashaaquji gaar ahaan marka ay timaaddo dilka inay ku lug lahaayeen shakhsiyaad la shaqeynayay dowladda Sucuudiga”

Balse, wuxuu beeniyay inuu kasoo fulay amarkii lagu dilay weriye Jamaal Kaashuqji isla markaasna uusan wax war ah ka heyn arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here