Maxamed Bin Salman oo loo heysto in oo jabsaday talefonka ninka ugu taajirsan dunida

mb salman iyo Amazon Jeff Bezos

Dowladda Sucuudiga ayaa beenisay in dhaxal sugaha dalkaas, Maxamed Bin Salmaan uu ka dambeeyay dhac loo geystay xogta telefoonka madaxa shirkadda Amazon,Jeff Bezos.

Farriin laga soo diray telefoon uu adeegsan jiray Maxamed Bin Salmaan ayaa loo adeegsaday in lagu jabsado telefoonka madaxa shirkadda Amazon, sida ay wararka sheegayaan.

Safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Mareykanka ayaa eedeymaha ku tilmaantay ‘aarin aan macquul aheyn’ isla markaasna ku baaqday in la baaro.

Waxaa horey loo tebiyay in eedeymaha ay soo baxeen markii lala xiriiriyay Maxamed Bin Salmaan inuu ku lug lahaa dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul loogu geystay weriye Jamaal Khaashuqji.

https://twitter.com/SaudiEmbassyUSA/status/1219792870389035008?ref_src=twsrc%5Etfw%7Ctwcamp%5Etweetembed%7Ctwterm%5E1219792870389035008&ref_url=https%3A%2F%2Fbadweyntimes.net%2Fmaxamed-bin-salman-oo-loo-heysto-in-oo-jabsaday-talefonka-ninka-ugu-taajirsan-dunida%2F

Safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Mareykanka ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay Maxamed Bin Salmaan, waxay ku baaqday in la baaro arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here