Maxamuud Cali: Tallaabadan waxay iga caawin doontaa inaan xulka qaranka Soomaaliya meel fiican gaarsiiyo

Maxamuud Cali

Maxamuud Cali Maxamed wuxuu ka mid yahay ciyaaryahannada xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya ee lagu naaneyso Xiddigaha Badweynta.

Maxamuud inta uusan dhawaan ku biirin kooxda Southport FC oo ka ciyaarta horyaalka National League ee ka dheesha heerka lixaad ee hannaanka kubadda cagta ee Ingiriiska, wuxuu u ciyaari jiray kooxda Curzon Ashton Football Club ee ka dhisan gobolka Manchester ee waqooyiga Ingiriiska.

Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheeagay in uu aamisanyahay in ku biiristiisa kooxda Southport ay shakhsi ahaan mustaqbalkiisa wax weyn ka badeli doonto, maadaama kooxda Southport ay tahay koox weyn oo taariikh leh.

“Southport FC waxay iila muuqataa in ay tahay koox hore u socota, waxay heleen dhaqaale, waxayna isku dayayaan inay soo urursadaan ciyaartoyda horyaalka ugu fiican sida aniga Maxamuud Cali ah.” ayuu yiri Maxamuud.

Maxamuud Cali

Maxamuud waxa uu ku rajo wayn yahay inuu guul gaarsiin doono kooxdiisa cusub sidoo kalana uu gaarsiiyo tartamo waa weyn oo ay guulna ka soo hooyaan.

“Insha ALLAAH, sanadka hadda soo socda, waxaan rajeynaynaa inaan horyaalka ku guulaysano, oo koobab uu ka mid yahay FA-ga aan qaadno, marka mustaqbal fiican ayaan rajeynaynaa.”

Maxamuud waxa uu ku tala jiraa inuu ka faa’iidaysto fursaddan cusub ee uu helay, islamarkaana uu soo bandhigo xirfad heersarreysa, taas oo uu ku hamminayo inay gacan siin doonto xulkiisa Soomaaliya.

“Naadiga Southport wax badan ayaan ka faa’ideysan doonaa, taageerayaal badan ayey leeyihiin, cadaadis badanna wuu jiraa, asbuuckasta waxaa nagala rabaa inaan badino, waxaan kaloo uga faa’idaysan karaa qarankeyga [Soomaaliya], waxaana rajeynayaa inaan kula guulaysto wadankeyga wax badan.” ayuu yiri Maxamuud.

Maxamuud Cali

Maxamuud Cali Maxamed ayaa waxa ay wadadhasheen Axmed Cali Maxamed oo ah kabtanka xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya, iyadoo Axmedna uu u ciyaaro kooxda Halesowen Town ee ka dhisan gobolka West Midlands ee bartamaha England.

Maxamuud & Axmed intii ay u ciyaarayeen xulka Xiddigaha Badweynta waxa ay qayb ka ahaayeen kooxdii taariikhda dhigtay ee Soomaaliya u sahashay in markii ugu horreysay ay ku guulaysato ciyaar ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka, ka gadaal markii lugtii koobaad ee isreebreebkaasi ay 1-0 Zimbabwe ay uga adkaadeen, kulankaasi ayaa Maxamuud wuxuu noqday xiddiga ciyaarta, walow lugtii Soomaaliya laga badiyay laguna reebay farqi dhinaca goolasha ah.

Maxamuud Cali
Maxamuud Cali Maxamed, laacib ka tirsan xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya

Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey soo kordhayey ciyaartoyda Soomaalida ah ee ku biiraya kooxaha heerarka kala duwan ee ka dhisan qaarada Yurub iyo dalal kale oo caalamka.

Arrintaasi ayaa la sheegay inay qayb lixaad leh ka qaadatay dedaallada lagu doonayo in lagu horumariyo xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo waliba guud ahaan heerarka kala duwan ee kubadda dalka.

Maxamuud Cali

Kooxdan cusub ee uu ku biiray Maxamuudna waxa ay ku dhiirigelisay inuu farriin adag u diro ciyaartoyda kale ee xulka qaranka Soomaaliya, dhalinyarada Soomaaliyeed ee ciyaaraha xiiseeya iyo waliba waalidinta sidii ay ugu dhiirigaliyeen lahaayeen ilmahooda sidii ay heer uga gaari lahaayeen kubada cagta.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo ciyaartoyda doonaysa in ay matalaan xulka kubadda cagta ee qaranka waxaa looga baahan yahay asluub iyo inay sameeyaan tababar joogta ah, waayo inaad qarankaaga matashaa waxay u baahan tahay dedaal, waana nasiib inaad heshaa fursaddaas, waalidka qudhiisa waxaa saaran masuuliyaad ah inay la dedaalaan dhalinyarada oo ay taageeraan, tan kale dhalinyarada waxaan leeyahay haddii ay kugu dhacdo in macalinku [tababaraha] uusan kugu qancin waxba ha niyad jabin waayo waxaa laga yabaa in macalin kale uu kaa helo marka niyad jab lama rabo, waana in aad dadaashaan oo aad aad u shaqeysaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here