Maxamuud Saleebaanow Puntland idinka burburiyey ee Soomaalidiina dhinac ka raaca ama daadka isu dhiga

puntland khaatumo

Dhowaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu Magaalada Boosaaso kaga dhowaaqay in dadka reer Puntland 15 Mars isugu yimaadaan shirweyne aayo ka tashi, hadaba waxaa isweydiin mudan Puntlandtii lawada dhistay ma jirtaa? Jawaabtu waa maya waxaana burburiyey Walaalaha Maxamuud Saleebaan baa.

Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn idinka dibin-daabyeeyey oo Somaliland iyo Itoobiya kula heshiiyey maantana Puntland kama tirsana, waana aflagaado iyo meelka dhici ugu xumaa in dadkii dhulkoodii iyo dadkoodii aad iibsateen aad maantana u adeegsataan burburinta Soomaaliyeed, miyaad horey u maqasheen Reer Puntlandnow Goboladdii SSC baa laynaga qabsadey talo isugu keen keena? Jawaabtu waa maya.

Waa ayaandaro in qof Dhulbahante ah oo awooweyaashii u soo dhinteen Gobanimadda Soomaaliyeed uu maanta u yeerto nin uu ku adeeganayo Cadowga Soomaaliyeed oo caasimadiisu Nayroobi tahay, welina aan Muqdisho cag dhigin.

Dhamaan Isimadda SSC ka soo jeeda ee ka qayb qaata shirka Maxamuud Saleebaan ku baaqay ee 15 mars waa dabadhilifiin, cid ay metelaana ma jirto, Dawladda Federaalkuna waa inay u aqoonsataa Khaa’imo Waddan oo meeshii lagu arko lagu xidhaa.

Guud ahaan Shacabka SSC, Dhalinyaradda, Isimadda, Siyaasiyiinta, haweenka iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan waxaa waajib ku ah inay ogaadaan in shirka Garoowe uu la mid yahay Shirqoolkii Canjeel-talo-waa ama qurtubi ee halgankii Daraawiishta lagu fashilin rabay, waana inaad ka fogaataan ka qaybqaadashadii, islamarkaana saxaafada ka cadeysaan inaydaan ka mid ahayn hadimooyinka cadowgu ummadda Soomaaliyeed u soo maleegay.

Beesha Maxamuud Saleebaan ee Majeerteen waxaa la gudboon inay garowsadaan inuu dhamaaday waqtigii sadbursiga, bililiqadda, cadkanow ku cunay ama ku ciideeyey, yaa reer hebel ah, Puntlandna idinka burburiyey sidaasdarteed kala doorta inaad Soomaalidiina dhexda ka raacdaan oo isu diyaarisaan soo dhoweynta Ciidamada Qalabka sida sida HARAMCAD, GORGOR, NISA, DANAB IYO QAYBAHOODA KALE AMA U DIYAARGAROOBA INAAD ISU DHIGTAAN DAGAALKA DIB U DISKA SOOMAALIYA, DALKA SOOMAALIYA BARYO KU DHISMI MAAYO EE WAXAA LAGU DHISAYAA WIXII LAGU BURBURIYEY.

Dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed ee wanaaga iyo qaranimada jecel waxaa la gudboon inay meel uga soo wada jeesteen qabaailada magaca Maamul Goboleedka huwan oo beelaha iyo degaamada aan rabin magacooda tuurta ku sida, mana jirto cid shirka Garoowe ku mateli kartaa GOBOLADDA SOOL, SANAAG IYO CAYN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here