Maxay doorashada Iran uga duwan tahay kuwii hore oo dhan?

iran flag

Iiraaniyiinta ayaa lagu wadaa inay doortaan madaxweyne cusub bishaan. Wax badan baa isbadalay afartii sano ee kadambeysay doorashadii ugu dambeysay, waa maxay sababaha muhiimka ah ee doorashadan sida dhaw isha loogu hayo?

Ku qanacsanaan laanta sii kordheysa

Tan iyo doorashadii madaxweyne ee ugu dambeysay sanadkii 2017-kii, dhacdooyin taxane ah ayaa si weyn u badalay muuqaalka siyaasadeed ee Iran. Waxa ka mid ah hawlgallo ay dad badan ku dhinteen oo lagu qaaday mudaaharaadyadii dawladda lagaga soo horjeeday, qabqabashada dadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo arrimaha bini’aadanimada, dilalka maxaabiista, toogashada diyaarad laga leeyahay dalka Ukraine oo ay soo rideen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) iyo dhibaato dhaqaale oo daran taas oo ka dhalatay cunaqabateynta Mareykanka.

Caqabadaha ay ku yeelanayaan dadka reer Iiraan ayaa saameyn weyn ku leh doorashada soo socota. Waxaa laga yaabaa in dhabar jabkii ugu weynaa ee ku dhacay taliyayasha Iiraan ay noqon laheyd ka qeyb galka codbixiyaasha oo hooseeya, maadaama qanacsanaanta laa’anta dadka wax dooranaya ay marayaan meeshii ugu saraysay.

Inkasta oo si weyn loo rumeysan yahay in doorashooyinka Iiraan aysan sinnaba u ahayn xor iyo xalaal (inta badan waxaa sabab u ah kala shaandheynta musharrixiinta koox mayal adag oo loo yaqaan Golaha Ilaalinta), hoggaamiyeyaasha Iran weli waxay u baahan yihiin ka-qaybgal sare si ay u caddeeyaan sharcinimada nidaamka siyaasadeed.

Doorashooyinkii hore, tirada codbixinta oo hooseysa ayaa inta badan gacan sare siisa kuwa mayalka adag iyo muxaafidka.

Indhaha waxaa lagu hayaa kuwa mayalka adag

Laga soo billaabo 1997-kii, doorashadii madaxweynenimada ayaa lagu kala qaybsamay, iyada oo tartamayaasha ay ka tirsan yihiin kooxaha mayalka adag iyo kuwa isbedel doonka.

Tobaneeyo qof oo siyaaiyiin ah ayaa isdiiwaangaliyay, toddobo kaliya ayuu goluhu ansixiyay. Kaliya labo ka mid ah toddobada ayaa ah musharixiin isbedel doon ah, waxaana labadaba loo arkaa inay yihiin kuwo aan aad u shaac baxsanayn.

Madaxa garsoorka Iran, Ebrahim Raisi, oo ahaa qofkii labaad ee ku soo baxay doorashadii 2017-kii, ayaa ah kan ugu cadcad ee la tartamaya madaxweynaha, sida laga soo xigtay sadaasha codbixiyayaasha gobollada qaar waa musharaxa ugu cadcad.

Kormeerayaasha qaar ayaa rumeysan in kuwa kale ee loo ogolaaday inay istaagaan ay kaliya runti taageerayaan musharaxiinta si ay uga caawiyaan Mr Raisi inuu guulaysto.

Dhaqaale xumi

Dhaqaalaha ayaa had iyo jeer door muhiim ah ka ciyaara doorashooyinka Iran waana mid aad ugu badan ajandaha musharax kasta. Xaaladda dhaqaale ee aan sugnayn awgeed, Iiraan waxay hadda ku jirtaa mid ka mid ah wajiyadeedii ugu xasaasiga ahaa tan iyo kacaankii 1979-kii.

Saameynta cunaqabateynta, oo ay uga sii dartay cudurka coronavirus, ayaa sababtay mid ka mid ah xiisadihii dhaqaale ee ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalka, iyadoo sicir bararka uu gaaray 50%.

Markii ay dowladda si aan macquul ahayn u kordhisay qiimaha batroolka bishii Nofeembar 2019-kii, kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka 100 magaalo.

Sida laga soo xigtay Amnesty International, maalmo gudahood in ka badan 300 oo mudaaharaadayaal aan hubeysnayn ayay dileen ciidamada amniga. Dibadbaxayaasha ayaa dalbanayay in ay is casilaan xubno ka tirsan hoggaanka talada haya ee Iiraan iyo dowladda. Dibadbaxyo la mid ah ayaa mar kale qarxi kara.

Xirriirka Maraykanka

Guushii Joe Biden ee doorashadii madaxtinnimada Mareykanka ee 2020 ayaa sare u qaaday rajada dib u soo nooleynta wadaxaajoodkii diblomaasiyadeed ee Iiraan, ka dib markii xiisadda u dhaxeysa labada dal ay cirka isku shareertay xilligii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump. In kasta oo inta badan xag-jirnimada ka dhex jirta aasaaska siyaasadeed ee Iiraan ay u arkaan wadahadal lala yeesho Mareykanka mid aan micno lahayn.

Tallaabooyinkan oo kale waxay si weyn u yareyn doonaan khilaafaadka ka jira gobolka waxayna sidoo kale abuuri doonaan fursad lagu soo nooleeyo dhaqaalaha Iiraan ee dhibaataysan.

Si kastaba ha noqotee, maaddaama siyaasadaha guud ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, oo ay ku jirto siyaasadda arrimaha dibedda, uu go’aamiyo Hogaamiyaha Sare, Ayatollah Ali Khamenei, kuwa doonaya inay qaadacaan doorashada soo socota ayaa rumeysan in qof kasta oo madaxweynaha soo socdaa uu leeyahay awood yar oo uu ku beddeli karo xaaladda hadda jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here