MAXAY KA WADA HADLEEN XASAN SHEEKH IYO CABDULFATAAX AL-SIISI?

xasan sheekh iyo cfatax siisi masar

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaahira Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-siisi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay iska xog-wareysteen xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso in xiriir wanaagsan oo ka tarjumaya iskaashi iyo wax wada-qabsi ay la yeelato dhammaan dalalka ay la tahay saaxiibka, dariska iyo dan wadaagta.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab istaagayso qorshaha dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here