Maxay ka wadahadleen wasiir Beyle iyo dhiggiisa Turkiga?

beyle

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Lütfi Elvan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo muhiim u ah labada dowladood.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray, iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan isbadalka iyo dib u habeynta maaliyadda dalka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii hore loogu sii wada lahaa taageerada maaliyadeed ee Turkiga uu siiyo dowladda feferaalka ah ee Soomaaliya.

Beyle oo qoraal soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka uu la yeeshay wasiirka maaliyadda Turkiga oo uu sheegay inuu si hagar la’aan ah u garab istaagay Soomaaliya

“Sharaf ayay ii tahay in aan la kulmay  Mr Lütfi Elvan oo ah Wasiirka Maaliyadda dowladda Turkey oo si hagar la’aan ah inoo garab istaagtay, waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada Maaliyadeed ee dowladda Turkiga,”ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Si kastaba ha’ahaatee Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, isaga oo ka caawiya dhinacyo dhowr ah, sida dhaqaalaha, caafimaadka iyo dib u dhiska ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here